|

Maxkamada Distooriga ah ee Somaliland oo Beri laga Filayo inay Ku dhawaaqdo Go’aanka Xalaalaynta Kala Qaadista Doorashooyinka

Hargeysa, 23 September, 2016-(SDN/QJ):–Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa la filayaa inay maalinta bari ah ku dhawaaqdo go’aanka ay kazoo saarto codsi iyo dacwad ay u kala gudbiyeen madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI oo ku saabsan kala qaadista labada doorasho ee madaxtooyada iyo golaha wakiilada Somaliland.

Maxkamada SareWaxaana maxkamaddu la filayaa inay go’aanka dacwadaas iyo codsigaasi ay ku dhaawaqdo maalinta bari ah.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in maxkamaddu ay warqad ku saabsan go’aanka ay ka gaadhay arinta kala qaadista labada doorasho oo jawaab celin ah ay u dirtay masuuliyiinta xisbiga WADDANI iyo xukuumadda Somaliland.

Ilaa hadda ma cadda go’aanka ay maxkamaddu ka gaadhay arinta kala qaadista labada doorasho ee is barkan oo muran badan dhaliyay,walaac xooganna ay ka muujiyeen deeq bixiyayaasha iyo beesha caalamkuba.

dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Somaliland uu u gudbiyay maxkamada sare go’aan uu kaga dalbanayo in la sharciyeeyo go’aanka uu ku kala qaaday labada doorsho walaw ay wadamo badan oo Somaliland ka taageeera doorashooyyinku cabasho ka muuujiyeen iyagoo ku andacooday in uu go’aankaaasi dhaawacayo hanaanka dimuqraadiyadeed ee qaranka Somaliland uu ku soo caano maalay.

Comments are closed