Maxkamada denbiyada ee Hague oo xukun ku riday dagaal ooge u dhashay dalka Congo
Hague Mar 14,2012(SDN)-Maxkamada danbiyada dagaalka ee dunida ayaa dambi ku heshay dagaal ooge u dhashay wadanka jamuuriyada dimuqoraadiga ee Koongo , lana yidhaahdo Thomas Lubanga , kaasi oo lagu helay dambi ah in uu caruur yaryar u qortay askar , sanadadii u dhaxeeyey 2002-2003.
Xukunkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee maxkamadu ay gaadho tan iyo markii maxkamadaasi la aasaasay muddo haatan laga joogo toban sanadood .
Mr. Lubango , waxaa uu madax ka ahaa koox falaago ah xiliyadii uu dalkaasi Jamuuriyada dimuqoraadiga ee Koongo uu ka socday dagaaladii salka ku hayey dhinaca Isirka , waxaana haatan ku cadaatay ninkaasi hore usoo ahaa dagaal oogaha in uu xoog askar uga dhigtay caruur yar yar oo da’doodu ka hoosayso 15 jir , kuwaasi oo la sheegay in ay ka hawl gali jireen safafka hore ee dagaalada, waxaana soo wajihi kara ugu badnaan madaxaa ha ku furto xukun ah.
SDN-Hague