|

Maxkamada Degmada Oo Xukun Xadhig ah,Iyo Ganaaxyo kale Ku Riday Haweenay Diinta Sifo Qaldan U Faafisay Una Turjuntay Shareecada Islaamka DAAWO

Hargaysa 12.Aug 2015 (SDN/QJ)- Maxkamadda Degmada Hargaysa ayaa Maanta Xukun Xadhig ah ku riday haweenay Lagu Magacaabo Sacdiya Sheekh Yuusuf Wardheere taas oo ku eedaysnayd inay Qaab Khaldan u faafisay Diinta Islaamka isla markaana ay Maxkamadu cadaysay in haweenaydani ay Qiratay Qaybo ka Mid ah eedaymaha lagu soo oogay.

gabadha Xukunka lagu ridayFadhigan Maxkamada oo uu Hagayay Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Hargaysa Garsoore C.rashiid Beer geel ayaa Gunaanadkeedii Waxa uu ku dhawaaqay in Maxkamadu ku  Xukuntay Danbiile Sacdiya Sheekh Yuusuf Wardheere Hal Sano oo Xadhig ah iyo Hal Milyan oo Shilling Somaliland ah,Iyadoo Xukunkaasi aanu lahayn Wax Racfaan ah Iyo Qodobo Kale.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed