|

Maxkamada Dastuuriga oo shaacisay natiijada Doorashooyinkii Somaliland

Hargeysa November 27, 2024 (QJ) Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay ansax tahay natiijadii ay soo saareen guddiga doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 13-kii bishan November.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maxkamadda oo uu warbaahinta u akhriyay guddoomiye Aadan Xaaji Cali, maxkamadda ayaa si rasmi ah u ansixisay natiijada doorashada madaxweynaha.

“Maxkamaddu waxay xaqiijisay in Mudane Cabdiraxmaan Maxamed C/laahi Cigaal uu ku guuleystay Madaxweyne ku xigeenka, waxaana ku guuleystay Mudane Maxamed Cali Cabdi Maxamuud, labada musharraxba waxay ka tirsanaayeen xisbiga Waddani,” ayaa lagu yiri qoraalka maxkamadda.

Maxkamadda oo sii hadlaysay ayaa sheegtay inaysan jirin wax cabasho ah oo ka soo yeeray musharaxiinta doorashada, sidaas darteedna lagu ansixiyay natiijada hordhaca ah ee ay soo saareen guddiga doorashada Somaliland.

Doorashadan oo ahayd tii ugu nabdoon ee abid soo marta Somaliland, waxa ay sababtay in laga adkaado xisbiga Kulmiye oo talada dalka haya muddo ku dhow 15 sano. Madaxweyne Biixi iyo xisbigiisuba waxay ku hambalyeeyeen guusha uu xisbiga Waddani gaadhay.

Leave a Reply