|

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Dawlada Somalia Oo Maanta Xukun Dil ah Ku Fulisay Askari Booliska Somalia Ka Tirsanaa DAAWO

Muqdisho 22. April 2017 (SDN/QJ):-Maxkamada ciidamada qalabka sida dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay askari katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya, oo lagu helay in uu si bareer ah u dilay qof shacab ah.

Askariga xukunka dilka ah lagu fuliyay oo lagu magacaabayay Axmed Cabdi Maadey ayaa lagu helay dambi ah in uu dilay marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Cabdalla, dilkan ayaana ka dhacay degmada Afgooye taariikhdu markay aheed 05-01-2016-kii.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa horey askariga ugu xukuntay in uu bixiyo diyada marxuumka uu dilay, hasa ahaatee racfaan uu qaatay gacan ku dhiiglaha ayaa ugu dambeyn Maxkamada sare ee ciidanka qalabka sida ku riday xukun dil ah.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa horey sidan oo kale xukuno dil ah ugu fulisay askar lagu eedeeyay in ay dileen dad shacab ah iyo ciidamo katirsan dowlada, waxaa sidoo kale Maxkamada xukuno dil ah ku fulisay dad lagu eedeeyay in Al Shabaab katirsan yihiin.

Comments are closed