Maxkamada Caalemiga oo danbiyo Dagaal ku heshay madaxweynihii hore ee Liberia
Hugue April 26,2012(SDN)-Maxkamada Caalemiga ah ayaa goordhaweyto shaacisay in ay denbiyo dagaal ku heshay madaxweynihii hore dalka Liberia Charles Taylor.
Maxkamadan oo socotay mudo shan sanadood ah ayaa dhageysaneysay faro gelinta Madaxweyne Talor ee dagaaladii dalka Seira Leone.
Maxkamada ayaa goaankeeda ku shaacisay in uu madaxweynahu gacan ka geystay denbiyadii dagaal ee lagalay mudadii u dhexeysay 1991 ilaa 2021kii oo Seria Leone ay ku jirtay dagaalka sokeeye.
Maxkamada ayaase maanta goaankeeda ku sheegtay in madaxweyne Charles Taylor aanu bixin amarada danbiyada ay galeen meliishaadku.
Madaxweynihii hore ee Liberia ayaa noqonaya madixii u horeeyay ee maxkamad noocan ah la soo taago intii ka danbeysay aasaaskii maxkamada caalemiga ah ee denbiyada dagaalka.
SDN-Hugue