Maxkamad UK ku taal oo xukun ku riday nin maalgeliyay xagjiriin Soomaaliya u jihaad tegay
London Mar 10,2012(SDN)-Maxkamad ku taal UK ayaa xadhig dheer ku riday nin dalkaa u dhashay oo lacago ugu deeqay rag sadex ahaa oo Jihaad tegay Soomaaliya sanadii 2010kii.
Shabaaz Xuseen oo 28 jir ah ayaa ciidamada Booliska oo dabagal ku sameeyay waxa ay ku ogaadeen in uu Soomaaliya u diray lacag dhan £9,114.
Booliska ayaa sidoo kale aqakiisa ka helay qoraalo iyo cajelado ay daabaceen argegixsada caalamka oo Osama Bin Ladena uu ku jiro.
Shabaaz ayaa waxa uu lacagta u diray Maxamed Jahangir,Tufual Axmed iyo Maxamed Shahim oo saxaafada Britain u bixisay “The Somali Three”.
Xaakimka dhegeysanayay dacwada ee xukunka ku riday ninkan Calvert-Smith ayaa sheegay in uu Shabaz ula kac lacagta u diray si loogu isticmaalo hawlo argegixiso.
Halka qareenkiisa Imran Khan ay ku andacootay in wax cadeymo ah oo ku taxaluqa in uu daawaday ama akhristay qoraalada lagu heysto aaney jirin.
Shabaaz Xuseen ayaa hore kalkaaliye Macalin u ahaa,balse kolkii la qabay wax shaqa ah muu heynin.
Dawlada Britain ayaa walaac ka muujisay dhalinta Soomaaliya u jihaadka tagtay oo ay dhici karto in ay dalka dib ugu soo noqdaan.
SDN-London