Maxkamad Marooko ku taal oo xukun dheer ku riday rag laayay Askar
Rabaat Feb 19,2013(SDN)-Maxkamada ciidamada dalka morooko ayaa xabsiyo kala duwan ku kala xukuntay afar iyo labaatan qof oo ka tirsan dadka ka soo jeeda sax-raha galbeed ee dalkaasi ,kuwaas oo lagu soo eedeeyey inay dileen askar ka tirsan ciidamada amniga dabayaaqadii sanadkii 2010-kii.
Maxkamada ayaa dadka ay xukunka ku riday Waxa ay sagaal qof oo eedaysanayaasha ka mid ah ku xukuntay xabsi daa’in,halka ay afar kalena ku xukuntay min sodon sanadood oo xadhig ah,waxa kale oo ay maxkamadu min sodon sanadood ay ku xukuntay afar ka mid ah ragaasi, iyada oo sideed kalana qofna ku riday xadhig dhan min shan iyo labaatan sanadood, garyaqaanda difaacayey dadkaasi ayaa xukunka maxkamada waxa ay ku tilmaameen inuu yahay mid aan cadaalad u dhicin,oo aanu jirin wax qaanuun ah oo loo cuskan karo xukunkooda.
Warku waxa uu intaa ku daray in ragan la xukumay lagu eedeeyay in ay dileen askar ka mid ah ciidamada amniga ka dib markii ay howl-gal ay qaadeen ay ku baabi’iyeen kaamka lagu magacaabo Akdiim kaasi oo ay ku jireen ilaa saddex kun oo qof oo saxraawiyiin ah sida ay sheegtay Q/midoobay, ka dib markii ay dadkaasi sameeyeen gadood ay kaga cabanayeen duruufaha nololeed ee kaamkaa ku haysata.
Gadoodkaa oo gaadhay ilaa magaalada Cuyuun oo ah magaalasda ugu weyn magaalooyinka saxaraha Galbeed, ayaa waxa uu keenay inay isku dhacaan ciidamada amniga iyo dadka kaamka ku jiray. Waxaanay masuuliyiinta maroko ay sheegeen inay rabshadahaasi ku dhinteen ilaa kow iyo toban askari iyo tobanaan kalena oo ku dhaawacmay.
SDN-Rabat
contact@somalidiasporanews.com