Maxkamad Ku Taalla Kenya Oo Soo Saartay Amar ah In Soomaalida Qaxootiga ahi ku Noqdaan Xeryahoodii
Nairobi:July,03,2014(SDN/QJ)-Xilli aanu ammaanka Dalka Kenya Fiicnayn ayey Maxkamadda Sare ee Dalkaasi Taageero u muujisya Go’aankii Wasiirka Arrimaha Guduhu hore ugu sheegay inay Waajib Tahay in qaxootiga ku sugan Magaalooyinka waaweyn dib loogu celiyo xeryihii ay ka yimaadeen ee Dhadhaab iyo Kaakuma.
Garsoore david majanja ayaa waxa uu go’aankiisa ku sheegay in wasiirka arimaha guduhu uu qiil u haysto islamarkana ay sharci tahay in uu amro in dadka magaalooyinka waawayn ay ku laabtaan xerooyiinak loo asteeyay .
Garsooraha maxkamada sare ee dalka David Majanja ayaa waxa uu sidoo kale go’aankiisa ku sheegay in Ole Lenku wasiirka arimaha gudaha uu awood u leeyahay in uu bixiyo amarka ah in qaxootiag ay magalooyiinka waawayn ay dib ugu laabtaan Dadab iyo Kakuma .
Garsoore Majanja ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in 500 oo ganacsatada Islii ah oo kiiskani maxkamada geeyay aanay keenin maxkamada cadaymo muujinaya in amarkani uu yahay mid ku tumanaya xuquuqdooda iyo mida ganacsiyadooda .
Maadaama ay maxkamada imika daaqada ka tuurtay Kiiskii ka dhanka ahaa amarka wasiirka arimaha gudaha ayaa waxa ay saraakiisha dalkani Kenya a xor u yihiin in ay dhaqan galiyaan amarka ku aadan in qaxootiga magaalooyinka waawayn ay dib ugu laabtaan xarooyiinka qaxootiga .
wasiirka arimaha gudaha Josof Ole lenku ayaa waxa Bishii march ee sanadkan soo saaray amar ah in dadka qaxootiga ee ku sugan goobaha ka baxsan xerooyiinka qaxootiga ay dib ugu laabtaan xarooyiinka Dadab iyo Kakuma .
Dhawaaqaas wasiirka waxa si weyn uga horyimi dadka soomaalida ah ee Dalkaas Qaxootiga ku jooga iyo kuwa Ganacsiyada kala duwan ku leh, waxana Arrintaasi gashay maxkamadda sare oo Haatan soo saartay Go’aan liddi ku ah Codsigii Soomaalida.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com