|

Maxkamad Ku Taalla Hargeysa Oo Xadhig Muddo dheer ah Ku Xukuntay Nin Sixir Lagu Eedeeyey

Hargeysa:05-March-2014(SDN)-Maxkamadda Gobolka Hargeysa, Shalay ayaa Nin Lagu Eedeeyey  inuu Sixirroole ahaa ku Ridday Xadhig  muddo dheer ah.

ile  Ninka Sixirka Lagu Eedeeyey ee xukunku ku Dhacay, ayaa Magaciisa Lagu SHeegay Xasan Sheekh, waxana lagu xukumay Muddo dhan Labaatan sano oo Xadhig ah iyo Waliba inuu magdhaw siiyo ciddii uu sixirka ku Waxyeelleeyey.

 

Sixiroolaha la xukumay oo ah dhawr iyo konton jir ka soo jeeda Koonfurta Somaliya ayaa laga soo qabtay xaafadda Maxamed Mooge iyadoo Xeer ilaalintu Maxkamadda horkeentay dad farabadan oo uu caafimaadkooda wax u dhimay, isla markaana dhibaateeyey awoodoodii jidheed, waxana Arrinta si weyn uga dhur sugayey dadkaas waxyeelladu soo gaadhay.

 

Maxkamadda ayaa shalay ku dhawaaqdaY Xukunkiisa iyadoo sheegtay in ay ku qanacday cadaymaha la horkeenay, waxaanay sheegtay in ay danbiyada loo haystaa ku cadaadeen oo aanay jirin wax uu iska Difaacay illaa iyo Hadda.

 

Dadkii Sixirkiisa ku Waxyeelloobay ayaa si weyn maxkamadda u soo Buux  dhaafiyey, waxana ay si weyn ugu farxeen Go’aanka Maxkamaddu ka Gaadhay Ninkaas.

Waxa xusid mudan inay Maxkamadda Joogeen Koox kale oo ku Dacwoonayey inuu Waddaadkaasi Waxtar u lahaa oo ay Caafimaad ka Heleen Daaweyntiisa, balse Maxkamaddu waxba kama ay  Dhegaysan.

Soo Xidhidda Ninkan ayaa waxa Masuuliyadiisa lahayd Hay’adda Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Somaliland oo xukuumadda u soo Gudbisay Dhibka uu Ninkaasi ku hayey Shicibka Magaalada Deggen.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed