Maxkamad Ku Taal Dalka Maraykanka Oo Xukuno Kala Duwan Ku Riday Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Lagu Eedeeyay In Ay Qorshaynayeen In Ay Ku Biiraan Daacish
Minneapolis 16. November 2016 (SDN/QJ):- Maxkamad ku taalla magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa xukuno kala duwan waxa ay ku riday dhalinyaro Somaaliyeed oo kunool dalkaasi, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay qorsheenayeen in ay ku biiraan Kooxda Daacish.
Cabdullaahi Yuusuf oo kamid ahaa dhalinyarada xukunka lagu riday ayaa lagu helay in uu u safrayay dalka Turkiga si uu ugu biiro kooxda Daacish, waxaana wiilkan lagu riday sanad xabsi ah iyo labo sano oo kale uu horey xabsiga ugu soo qaatay.
Maxkamada kutaala magaalada Minneapolis ayaa sidoo kale xabsi 30-bilood ah waxa ay ku riday Cabdirisaaq Warsame oo isna xeerbeegtida kiisan ku howlaneed sheegeen in lau helay dambiga lagu soo oogay,
Xukunka xabsiga ah ee laga khafiifiyay labadan wiil ee asalkooda Soomaaliga yahay ayaa la sheegay in ay sabab u aheed kadib markii ay kiisaskooda iskaashi kala sameeyeen dacwad oogaha ayna qirteen dambiyada lagu soo oogay qaarkood.
Maxkamada ayaa sidoo kale 10 sano oo xabsi ah waxa ay ku riday Zakariye Yuusuf , waxaa sidoo kale la filayaa in dhawaan maxkamada kutaala dalka Mareykanka ay go’aan ka gaadho iyana lix wiil oo Soomaali ah oo iyana loo haysto in ay rabeen in ay ku biiraan kooxda argagixisada ah ee Daacish.