|

Maxkamad Ku Taal Dalka Ingiriiska oo Go’aan ka soo Saartay Nin Dalbaday in La Dilo!!

London 06. October 2017 (SDN/QJ):- Nin aad u xanuunsan, isla markaasna nolosha ka quustay ayaa doonayay in uu nafta is dhaafiyo, balse maxkamadda sare ee Ingiriiska ayaa u diiday.

Noel Conway oo 67 jir ah ayaa qaba xanuunka neerfaha ee aadka u daran, wuxuuna doonayaa in uu nafta iska qaado isaga oo adeegsanaya waxa loogu yeero ‘xaqa dhimashada’.

 

Maxkamadda sare oo cuskanaysa qodobada sharciga ee la xiriira in ay dambi tahay in qof nafta laga qaado siday doontaba haloo sababeeyee ayaa diiday in Mr. Conway la dilo, xitaa haddii isaga loogu danaynayo ama uu ogolyahay.

 

Sanadkii 2015-kii baarlamaanka Ingiriiska ayaa diiday in la soo rogo sharci ogolaanaya in qofka uu dooran karo in uu nafta iska qaado ama la dilo.

 

Sanadkii 2014-kii nin kale oo lagu magacaabo Tony Nicklinson oo qabay xanuun daran ayaa sidoo kale laga diiday inuu is dilo.

Comments are closed