|

Maxey wasiirada Siilaanyo kala bixi karaan ayaan darada ka taagan wasaarada warfaafinta

Hargeysa Dec 08,2013(SDN)-Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa waxa wasiirada ka tirsan lagu xaman jiray in aaney aheyn qaar talada wasaaradaha ay ka arimiyaan ay ka godo,balse ay yihiin uun qaar maqaar saar ah oo aaney talo gacan ugu jirin.

Iyada oo taasi hore u jirtay ayaa haatan waxa soo dibedda u soo baxay khilaaf soo kala dhex galagay mid ka mida wasiirada Somaliland iyo mid ka mida maareeye waxeedyada wasaaradaasi.

wasiiradas siilaanyo

 

 

 

 

 

Arintan ayaa waxa ay daaha ka rogtay in talo aaney wasiirda gacanta ugu jirin ka dib kolkii madaxtooyadu ay kolwaba qaadato goaanka kama danbeysta ah.

Dhacdan u danbeysay oo dhexmartay Wasiirka wasaarada Warfaafinta Somaliland Md Cabdilaahi Cukuse iyo maareeyaha TV-ga Qaranka Md Gaas ayaa xalkeedii u danbeeyay waxa gaaray Madaxtooyada Somaliland.

Wasiir Cukuse arintan soo wejahday ee maareyaaha uu xilka ka fariisiyay dib loogu soo celiyay waxa ay suaal aan jawaab loo heyn ay ku noqoneysaa wasiirada isu muujin jiray in ay xukuumad ka tirsan yihiin.

Wasiirada ayaa ay haatan soo wejahday laba xaaladood oo mid ay doortaanba ay ta kale ka daran tahay.

Waa midee in ay itaalkooda iyo doorka ay xukuumada ku leeyihiin aaney ka dheereyn oo ay ku ekaadaan uun kolba in ay u jawaabaan cida madaxtooyadu farta ugu fiiqdo.

Ama hadii ay islahaayeen waxa aad si buuxda u maamuli doontaan xilkan aad u dhaarateen balse ay taasi suurtogaleyn in aaney eegin woxoogaaga yar ee sandareetada ah ee ay tusaaale iyo toosinba u noqdaan wasiirada kale oo ay xilalka iskaga degaan.

Inta aan taa la helinse waxa sii socon doona dhabar jabka nidaamka dawladeed ee ay ku kacayaan shkhsiyaad aaney cidi dooran.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed