Maxbuus Hore Jeelka Uga Baxsaday Oo Booliska Maraykanku Toogasho Ku Dileen
Jowhar:June,27,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Booliska dalka maraykanka, ayaa toogasho ku dilay Mid kamid ah laba maxbuus oo ka baxsatay xabsi weyn oo ku yaal magaalada New York, kaas oo baadigoob loogu jirey saddexdii toddobaad ee lasoo dhaafay.
Sida ay baahisay warbaahinta Maraykanka Booliska ayaa toogtay dilayna Richard Matt oo 49 sano jir ah meel ku dhow xadka Maraykanka uu la leeyahay dalka Canada.
David Sweat oo 35 jir ah ayey ciidamada Booliska dalka Maraykanka ay weli ka raadinayaan Koofurta Malone, New York, waana maxbuuska labaad ee aan wali gacanta lagu haynin.
Labadan maxbuus ayaa ka baxsatay xabsiga Clinton Correctional Facility oo ah xabsi si weyn loo ilaaliyo 6da June waxaana ay sababtay in boqolaal Boolis ah ay habeen iyo maalin baadigoobayeen.
Labo ka mid ah shaqaalaha xabsiga ayaa loo haystaa inay gacan ka geysatay sidii ay maxaabisitan u baxsan lahaayeen.
Richard Matt oo ah maxbuuska baxsadka ahaa ee la dilay ayaa hore loogu xukumay 25 sano oo xabsi kadib markii lagu helay dambi ah dil, sidoo kale maxbuuska weli baxsaday ee la raadinayo Sweat ayaa ku xukunaa xabsi daa’in.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com