“Maxay Yihiin Mashaariicda Horumarineed ee Ka Socda Magaalada Burco” Maayarka Burco
Hargaysa 12.April 2015 (SDN/QJ) Maayir Dagmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad) oo warbaahinta qaar kula hadlay Madaalada Hargaysa waxa uu ka hadlay Mashaariicada horumarineed ee magaalada Burco ka socda iyo kuwii ay ka gole deegaan ahaan qabteen Sanadkii tagay isagoona xusay maashaariic badan oo ay qabteen sanadkii tagay oo ay ka mid yihiin wadooyinkii rooga ahaa oo ay dhigeen wadada halbawlaha ah ee marta Badhtamaha Maagaalada Burco waxaanu haadalkiisa ku bilaabay “ hawsha mashaariicda ka socotay wadooyin kaliya may ahayn waxa ka mid ahaa wadooyinkaas waxa ka mid ahaa Solar System kii Srteat line ka ayaa ka mid ah mashaariic kale oo faro badan ayaa ka mid ah Guriyihii danyarta loo dhisayey oo 265 guri ah baa ka mid ah Labery gii dhalinyarada ayaa ka mid ahaa gurigii haweenka qaranka NOW ayaa ka mid ahaa Iskuulo aanu wax ku kordhinaynay ayaa ka mid ahaa way badan yihiin hawsha gobalka ka socotay Sanadkii tagay ee 2014 ka .
Hada waxaanu bilaabaynaa Mashaariicdii sanadka Cusub haday ahaayeen Xaga Saldhigyada bilayska oo qaar aaanu samaynay qaarna noo hadhsan yihiin haday noqoto Contrac yadii aanu shaacinay sanadkaasi waa dhamaaday laakiin sanadkan cusub waxa noo yaala shaqooyin faro badan oo waxna dawlada hoose ay fulinayso sidii ay hore ugu fulin jirtay waxna qoladan mashruuca GPLG ga dawaladaha hoose naga caawiyaa ay bixin jireen saaka waanagan siminaarka ugu jirna arin guul laga gaadhay oo lacagihii Nairobi loo doonan jiray ee bisha ama labada bilood la sugi jiray ay hada wasaarada Maaliyada iyo ta Arimaha Guduhu halkan Sanduuqa uga furayaan ee halkan lagu maamulayo markaas mashaariicdaas 2014 way dhamaadeen kuwa sanadkana wax waanu bilawnay waxa kalena waanu bilaabaynaa “
Maayirka oo aanu wax ka waydiinay dhul Hantida guud ee magaalada Burco ah oo ay iibiyeen dabayaaqadii sanadkii hore Mahsaariicda lagu fuliyey lacagtii ka soo baxday dhulkaasi Waxaanu yidhi “maashaasi waxa ay ahayd Hanuunintii xaafada Sheikh Bashiir halkaas waanu iibinay waxaana noo ogalaatay dawlada dhexe oo uu uhoreeyo madaxwaynaha Qaranku lacagteediina waxa aanu ku dhisnay magaalada Burco , maalmahaas aanu iibinaynay dad badan baa laga yaabaa inay ka cadhoodeen oo diidanayeen meeshaasna waxa daganaa hal reer inta kale waxa ay iska ahayd meel banaan meeshaasna waxa hada laga dhisayaa Mool ka ugu qoruxda badan Somaliland halkaas faaido ayey ka keentay oo umada reer burco ilaa buuhoodle ama dadka intaas oo dhan degan ayaanu iskugu keenay meeshaas waxanay ka dhisanayaan Mool laba dabaq ah oo dabaqa ugu sareeyaana yahay Huteel oo laysla qaatay in moolkaasi yahay ka ugu quruxda badan Somaliland .
Halkaas faaido ayey ka keentay dhinaca kalena lacagtii nooga soo baxday faaido ayey keentay oo wadada aad aragtay ee Shanta kilo mitir iyo dheeraadka ayey samaysay ee ooda Burco marta qofka arkaa ilaahay ayuu ugu mahad naqayaa hawsha ay jagadaas yari ee aanu iibinay lagu fuliyey qof kasta oo caqligiisu shaqaynayaa ilaahay ayuu ugu mahad naqayaa oo laamigaas oo kaliya oo aad arkayso ayey gashay lacag dhan $ 600,000 waliba ka badan ayaa kaligeed lagu maamulay kaligeed markaas waxanu odhan karnaa qorshe wanaagsan ayu ahaa .
Wadadan Laamiga roogaa la dhigayo oo ay gudiga Fulinta Dawlada hoose ee dagamada Burco markii ay bilaabayeen ku dhawaaqeen inay dhisayaan tiro gaadhaysa 13.5 killo Mittir oo uu hadana maayirku sheegay inay dhiseen tiro gaadhaysa 5.5 KM waxanu wax ka waydiinay sabata inta kale ay uga tageen iyo maasha ay martay lacagta intaasi leeg ee aanu wadada dhiman lagu dhisin waxanu ku jawaabay “Halkaas 5.5KM ayaanu ka dhisnay waxaanan barigii ku balan qaadnay 13 .5 ayaanu barigii ku balan qaadnay waxa iminka dhisan 3.5 badh waanu dhisnay oo 1.km aanu daamurka saarnay iyo 2KM oo hada aanu daamurka Saarayno oo xaafada Hodan qaylo waanu ka dhisnay 1KM kale hodan qaylo lafteeda ayaanu ka dhisnay , laakiin se hada waxaanu bilaabaynaa oo aanu dhisaynaa oo aan ahayn mashaariicda aanu dawlada Dhexe iyo masruuca GPLG ga kuwa aanu iska kaashano aan ahayn ayaanu bilaabaynaa .
Waxa haawlaha aan usocday ka mid ah wadooyin kale oo magaalada gudaheed aan ka dhismo oo qaabka aanu udhisaynaa aanu ahayn qaabkii aanu hore uga dhisi jirnay oo ah in halkii aanu 2 KM ka dhisi jirnay aanu 1km ka dhisno oo aanu dadwaynaha Dagmada Burco iska kaashano horaanteediina waynoo bilaabantay oo iminka waxa laga yaabaa maalmahana Ilaa 2000 Foosto inaanu gayno Magaaladii markaas maba ahaba 13km oo kaliyee waxaanu rajaynaynaa inay noqoto ilaa 20 KM oo waddo ah “ Ayuu Yidhi Maayirka Degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan .