|

Maxay Tilmaamaysaa Bisha Cad Ee Ka Dhex Muuqata Cidiyaha Faraha Ee Dadka Qaarkood ?

Hargaysa 08.Sep 2016 (SDN/QJ):-Waxa aynu inta badan aragnaa dad fartood ay ka soo dhex baxdo bil cad, gaar ahaan farta aynu soomaali ahaan u naqaano Murdisada iyada oo ciddiyaha dadka qaar markaad u fiirsato aad ku arkayso bil cad oo ku dhex samaysantay. Haddaba maxay ka turjumaysaa bisha ka dhex muuqataa fartaasi?

 

Cilmiyan waxa loo yaqaan bishan Bisha farta oo Ingiriisi ahaan la yidhaahdo ‘Lunular Unguis’ waxa aanay had iyo jeer ka soo baxdaa sida aan soo sheegnay farta Murdisada, waxa ay tilmaamaysa bisha cad ee ka dhex muuqataa ama aynu ku aragno faraha dadka qaar in caafimaadka qofkaasi  uu yahay mid aad u heer  sareeya iyo firfircoonidiisa joogtada ah. waxa kale oo ay dhakhaatiirtu sheegeen in haddii calaaamaddina ay ka muuqato wax ka badan hal far ay timaamayso in difaaca jidhka qofkaasi uu aad u sareeyo.

 

Haddaba, haddii bishaasi tahay mid aan aad u caddayn waxa ay tilmaamaysaa in uu jiro xanuun isla-markaana caafimaadka qofkaasi aanu ahaym mid taama, waxaana qofkaa ku bata daalka iyo caajisnimada .

 

Waa kale oo ay warbixn aan ka soo xignay barta internetka ee magaceeda Al-dibi lagu xusay in ciddiyuhu ay yihiin dahaadh ka kooban maaddooyin booratiina oo adag oo loo yaqaan Kiiratiin, waana maaddooyin shabaha oo u eeg kuwa ay ka samaysan yihiin timuhu, kuwaas oo had iyo jeer halis u ah inay ku dhacaan cudurro kala duwan isla-markaana astaantaasi ay tahay mid caddaynaysa inaan qofkaa wax dhib ah ama xanuun ah aanay haysan.

 

Had iyo jeer waxa ay culimadu ku xidhiidhayaan qaabka ay u egyihiin ciddiyuhu xaaladda caafimaad ee qofka, balse mararka qaar waxa uu dhakhtar markuu sidaa u arko gacmahaaga ka garan karaa in cuntada aad cuntaa ay liidato waxaana lagu tilmaamaa in ciddiyuhu ay yihiin meelaha ugu fudud ee laga ogaan karo caafimaadka Qofka.

Comments are closed