|

Maxay tahay sababta Siyaasiga Cali Khaliif looga Mustaafuriyay Adis Ababa?

Adis Ababa Feb 09,2012(qurbejoog.com)-Siyaasiga Cali Khaliif Galeydh ayaa lagu waday in uu kulamo dhexdhexaadin ah oo dawlada Itoobiya gadhwadeen ka tahay kula yeesho madaxweynaha Somaliland magaalada Adis Ababa.

Balse maalin uun ka hor Kulamada ayaa waxa uu Cali Khaliif bilaabay abaabulka dagaal ka dhaca degaanka Sool-joogto oo dhacda degaanka Buhoodle.

Ilo wareedyo ku sugan Buhodle ayaa sheegay in Cali Khaliif lacago dagaal gelin ah uu u diray Buhoodle si dagaal loogu qaado ciidanka Somaliland ee fadhiisnka ka sameysatay aaga Buhoodle.

Dawlada Itoobiya oo arinkan ka warheshay ayaa dalkeeda degdeg uga saartay siyaasiga Cali Khaliif isla markaana u sheegtay in aanu dalkaas ku soo noqon.

Ma cada waxa Itoobiya ka yeeshay wefdigii Cali Khaliif ku weheliyay socdaalka ay ku joogeen dalka Itoobiya.

Qurbejoog-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed