|

Maxay tahay sababta madaxweyne Axmed Siilaanyo uga werwersan yahay in Maxamed Xaashi is-casilo?

Hargeysa Dec 25,2011(qurbejoog.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa tiraba markii sadexaad ku qanciyay in aanu wasiirka Maaliyada Somaliland Maxamed Xaashi aanu is-casilin ka dib kolkii khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo xubin kale oo ka tirsan Gollaha xukuumada.

Isweydiinta ugu badani waxa ay aheyd sababta madaxweyne Axmed Siilaanyo uga aqbali waayay iscasilaada wasiirka maaliyada?

Ma waxa uu la dhacsan yahay waxqabadka wasiirka wasaarada Maaliyada oo isbedel la taaban karo ku sameeyay hanaaka loo ururiyo loona maareeyo dakhliga dawladeed?

Mise waxa uu weli ka quusan la’ayahay qiimeeyntii maxamed xaashi hore uga sheegay saxaafada ee aheyd in miisaaniyada Somaliland tahay 300 oo million sanadkii balse ay lunsan jireen wasiiradii xukuumada riyaale?

Mise madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu qabaa in Maxamed Xaashi uu marti ugu yahay caasimada hargeysa oo uu degaan ahaan u arko in uu uga baahan yahay ruux miisaan siyaasadeed leh oo uu dugsado?

Mise madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu doorbiday in uuxukuumada ku hayo Maxamed Xaashi oo uu ka dheregsan yahay mucaarid xumadiisa?

Akhriste fadlan fikradaada si asluubeysan uga soo dhiibo sababta uu madaxweyne Axmed Siilaanyo uga aqbali waayay is-casilaada

 

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidasporanews.com

Comments are closed