Maxay Somalia Ka Tidhi Doorashda Cali Khaliif?
Saaxdheer:Aug,15,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Federalka Somalia ayaa Noqotay Ciddii ugu horraysay ee Hambalyo u dirta Doorashada Xildhibaan Cali Khaliif ee Doorashadiisa madaxtinimo.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa khadka taleefonka ugu hambalyeeyay Cali Khaliif Galeydh markii uu ku guuleystay doorashadda ka dhacay deeganka Saaxdheer oo ah Gudaha somaliland.
Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guusha Cali Khaliif Galeydh wuxuuna intaas ku daray in madaxda dowladda sidaas oo kale ay usoo dhaweenayaan guusha xildhibaan Cali Khaliif.
Dowladda Soomaaliya ayaan hore wax taageero ah u siin jirin maamulka Khaatumo oo saddex sanno ka hor lagu dhisay degmada Taleex ee gobalka Sool, waxana Madaxda Maamulkan aan Dhulka Haysani ay si weyn u dhaliili jireen Xukuumadda Xasan Sheekh oo uu cali khaliif laftiisu u hanjabi jirey.
Somaliland ayaa iyadu tilmaantay inaan doorashada cali khaliif ahayn mid micno ku fadhida, halka aanay wali Puntland wax hadal ah kasoo saarin.
SDN/QJ