|

Maxay Shacabka Reer Somaliland Ku Xasuusan Doonaan Sanadka Galbaday ee 2013-ka?

Hargeysa:01-Janu-2014(SDN)-Shacabweynaha Reer Somaliland oo intooda Badani ku nooshahay Nolosha Dabaqadda Hoose, ayaa Sanadka Dhammaaday uu u ahaa mid Guud ahaanba ku adkaa oo aanay wax horumar ah u qaadin dhinaca saxda ah.

saaaaasSanadkii dhammaaday ee 2013-ku waxa uu inta badan shacabka ku ahaa mid adag oo nololoshooda uu hoos udhac badan iyo rajo xumo ku timi, iyadoo Sababteedana loo nisbaynayo dhinaca xukuumadda oo danaha shacabka kaga mashquushay u jawaabidda kooxaha mucaaridka ku ah.

Sanadkaasi waxa ay xukuumadda Siilaanyo ku dhamaysatay muran iyo is qabqabsi marna dhexdeeda ah marna ay yooyootamayeen mucaaridkeeda oo isaguna ka sii taagdaran, isla-markaana aan marna isku deyin inuu xukuumadda Galdaloolooyinkeeda si sax uga faa’iidaysto.

Inkastoo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo dalka soo Xukumaysay muddo Saddex sano iyo Dheeraad ah, isla-markaana ay xilligii ay kursi doonka ahayd dadka ku soo jiidatay Ballanqaadyo yididiilo leh, haddana taasi waxa ay noqotay Hal Bacaad lagu lisay, waxana God madow iyo Dalluun dheer ku sii dhacaysa Rajadii shacabku ka qabeen inay iman doonto cid horumarkooda iyo danahooda ka shaqaysaa.

Xukuumaddani wali ma ay kasban quluubta shacabka, maadaama aanay daryeelayn Waxyaabaha sida tooska ah u taabanaya Arrimaha Nolosha shacabka la tiicaya Nolol xumada iyo Musuqa Maamulkoodu ku hayo  Khayraadkooda, waxana ay wali arkayaan Isdaba marinta iyo Maamul xumada lagu hayo Khayraadkoodii iyo Shaqadii dalka taallay ee ay xaqa u lahaayeen inay helaan.

Wali xukuumaddani wax la taaban karo kama ay qabanin dhinacyada Nolosha Bulshadu ka dheeliday, haddii la isku dayey in wax laga qabtana waxay taasi keentay dhibaato ka sii daran tii ay markii hore ka cabanayeen.

Dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo Daryeelka kale ee Nololeed oo Halkii ugu hoosaysay taagan, ayaan wali  waxba laga qabanin, waxana ay xukuumaddani markii ku taamaysay inay wax qabanayso si gaar ah u tilmaami jirtey inay meelahaas muhiimka ah wax ka qaban doonto, balse waa lagu hungoobay.

Waxa kaliya ee ay xukuumaddu isku  dayday inay wax ka qabato, ayaa ah dhinaca waxbarashada oo ay sheegtay inay lacag la’aan ka dhigayso, balse taasi waxa ay keentay inay lunto tayadii waxbarashadu, isla-markaana si hoose loo qaato lacagtii la sheegay in laga daayey ardaydii waxbaranaysay.

Rajada shacabka ayaa haatan maraysa Halkii ugu xumayd, waxana Guud ahaanba aan muuqanin wax rajo ah oo mustaqbalka dhaw ah, iyagoo arkaya mustaqbalkoodii oo koox yari meel madow la gashay oo ay u weheliso Mucaarid Rajo Keeni Kara oo aan soo Muuqanin.

Waxa ay shacabku Noqdeen Garoon uu ku ciyaaro ninkii  doonaya inuu Jeebadaha Buuxsadaa, isagoo Been iyo Barobagaandhe u samaynaya si uu kursiga ugu gaadho, balse lama hubo inay Shacabku middaas ka Ilbixi doonaan oo ay caqligooda adeegsan doonaan.

Inkastoo xukuumaddan uu xilligeedii sii dhacayo, haddana lama garan karo cidda dhiisha u soo culanaysa Hoggaanka Dalka, iyadoo la Hubo inay Haddana mar kale safaf u geli doonaan Rag la Hubo inay Danahooda oo kaliya u socdaan oo aan Waxba ka qabanaynin Baahiyaha Is dul saaran ee Bulshadu la Tiicayso.

Inta kaliya ee Xukuumaddani ku Baanto inay wax ka qabatay ayaa ah dhinaca Waddooyinka, iyadoo ay  wanaagsanayd in laga horraysiiyo dhinacyada caafimaadka iyo Nolosha kale ee dadka oo meel halis ah maraysa, waxana sanadkaas tegay lagu xasuusan doonaa mid ay rajada shacabku Burburtay islamarkaana xukuumadda kaga lumay Is qabqabsi iyo muran natiijo la’aan ah.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed