|

Maxay Ku Heshiiyeen Garabka Aqlabiyada Xisbiga Ucid ee Xisbiga Waddani ee Maanta Midoobay? Akhri

Hargaysa 05. January 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta  Magaalada Hargaysa Lagu qabtay Xaflad ay Ku Midoobayeen Garabka La baxay Aqlabiyada Xisbiga Ucid Iyo Xisbiga Waddani.

Waxay Labada Dhinac Gaadheen Heshiis 16 Qodob ka Kooban oo ay Si rasmi ah u Kala Saxeexdeen Kaas oo u dhignaa Sidan:-

Ka dib markii Garabka aqlabiyadda ee Xisbigii Ucid uu wada-hadal la furay Xisbiga WADDANI;                           labada guddi ee labada dhinacna isla soo meel dhigeen qodobadii saldhigga u ahaa wada hadalada;

Ka dib markii labada dhinac aqbaleen, islana qaateen qodobadii iyo nuxurkii heshiiska ay u soo diyaariyeen gudidii farsamo ee labada dhinac magcaabeen.

Iyaga oo labada dhinac saldhig uga dhigaya heshiiskoodan dastuurka JSL iyo Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Xeer No.14 2011;  waxa maanta oo ay taariikhdu tahay               05/01/2017  heshiiskii ay ku midoobeen kala saxeexday Xisbiga WADDANI oo dhinac ah iyo Garabka aqlabiyadda Xisbigii Ucid oo dhinac ah. Heshiiskaas oo ka kooban 16 qodob una dhigan sidan:

  1. Waxa labada dhinac isla qaateen in ay ku midoobeen siyaasadda isbedel doonka oo uu garabka Ucid ku biiro Xisbiga Qaran ee WADDANI.

 

  1. Waxa Xisbiga WADDANI ogolaaday Wixii mabaadi iyo fikir siyaasadeed ah ee Garabka Ucid soo bandhigo, ee ka maqan barnaamijka Xisbiga WADDANI in lagu kaabi doono barnaamijka uu Xisbigu ku hawl geli doono doorashada, hirgelina doono insha-Alla. Maadaama uu heshiiskan ka mid yahay waxa halkan ku lifaaqan nuqul ka mid ah qoraalka mabaadi’da kor ku xusan.

 

  1. Waxa uu Xisbiga WADDANI u ballan qaadayaa garabka Ucid in uu furayo Ururadii siyaasadda doorashada ugu soo horaysa ee Golayaasha Deegaanka iyada oo loo maraayo qaab sharciga waafaqsan.

 

  1. Waxa garabka Ucid ku yeelanayaa Hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI 2  xubnood (one & one)

 

  1. Waxa kale oo garabka ucid loo qoondeeyey 10 xubnood oo gudida fulinta ah, ( magcaabista xoghayayaasha waxa loo raaci doonaa nidaamka xisbiga)

 

  1. Waxa garabka ucid ku yeelanayaa Golaha Dhexe oo loogu daray 50 xubnood.

 

  1. Garabyada Haweenka iyo Dhalinyarada mideyntooda waxa loo raacayaa nidaamka Xisbiga iyada oo xubno laga siin doono xilalka iyo gudiyadooda heer qaran & heer gobolba.

 

  1. Mideynta gudiyada heer gobol iyo garabyada heer gobol waxa loo xil saari doonaa guddi isku dhafan, iyada oo xilalka gudiyada iyo garabyada ee gobol kastana xubno laga siin doono garabka Ucid.

 

  1. Mideynta gudiyada laamaha Dibedda, waxa loo xil saari doonaa guddi isku dhafan oo ka soo kala jeeda xubnaha laamaha ee labada dhinac; iyada oo xilalkana xubno laga siin doono garabka Ucid.

 

  1. Wixii Xafiisyo iyo guryo u furan garabka ucid waxa kharashkooda la wareegaya Xisbiga Waddani isla marka saxeexa heshiisku dhaco.

 

  1. Gobolada iyo laamaha dibedda waxa ay u qabsan doonaan munaasabadaha midawgooda si gaar gaar ah, iyada oo la raacayo qaabka qodobada 8aad & 9aad ee heshiiskani tilmaameen; Xisbiga ayaana wixii fududayn ah xilqaaday

 

  1. Waxa labada dhinac isla qaateen in uu garabku xubno ku yeelan doono gudiyada campaignka doorashada Xisbiga WADDANI ee heer qaran iyo heer gobol; khaas ahaan kuwa miisaanka taageerayaashiisu ka soo jeedaan

 

  1. Si sharciyadda heshiiska looga baahan yahay loo dhamaystiro, waxa ansixinaaya gudiuda fulinta ee Xisbiga WADDANI isla marka la saxeexoba. Ka dibna waxa la horgeyn doonaa kalfadhiga ugu horeeya ee Golaha Dhexe si loo ansixiyo.

 

  1. Heshiiskaa labada dhinac waxa loo gudbin doonaa dhammaan Hay’adaha uu khuseeyo, isla marka la kala saxeexdo, sida uu dhigayo Xeer No. 14 2011, qodobka 2aad 6aad & qodobka 17aad, faqradiisa 1aad iyo 2aad; sida Xafiska Xeer-ilaaliyaha Guud, Komishanka Doorashooyinka Qaranka, iyo Guddida Diiwaangelinta Ururada Iyo Axsaabta Siyaasadda.

 

  1. Munaasabadda saxeexa Heshiiskan, waxa lagu daah furi doonaa Xaflad miisaan culus leh oo ka dhici doonta Caasimadda Somaliland ee Hargeisa, insha-Allaah.

 

  1. waxa uu rasmi ahaan u dhaqan gelayaa heshiiskani, marka cidda awoodda u leh ee labada dhinac wada saxeexaan.

 

Allaa        Mahad         Leh
__________________________                                                     _________________________
Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde                                                 Md. Xasan Cismaan Aadan (Sabce)
Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI                                           Guddoomiyaha-ku-melgaadhka ah
Garabka Aqlabiyadda Xisbiga  Ucid

Comments are closed