|

Maxay Ku Dhamaatay Sheekadii Malxiisada ee Hargaysa Ka Dhacday?

Hargaysa 13. March 2017 (SDN/QJ):- Waxaa dhawaan magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ka dhacday arin dad badan layaab iyo amakaag ku noqotay kadib markii gabar la guursaday ay malxiisad ka dhigtay nin ay horey saaxiibo u ahaayeen xariir jaceylna uu ka dhaxeeyay.

 

Ciidamada booliiska magaalada Hargeysa ayaa xabsiga dhigay ninka Malxiiska iska soo dhigay iyo gabadha aroosada aheed kadib markii uu dacweeyay ninka gabdha guursaday oo arinta fahmay, waxaana kiiskan oo ahaa mid nuuciisa aan horey loo arag loo gudbiyay Maxkamada Hargeysa.

 

Maxkamada Hargeysa oo kiiskan maalmo badan gacanta ku heysay ayaa ugu dambeyn waxa ay xukuno kala duwan ku riday ninkii malxiiska iska soo dhigay, Gabadhii aroosada aheed iyo gabar kale oo wax ka ogeyd arintan .

 

 

Gabadha aroosada aheed ayaa maxkmadaa waxa ay ku riday labo sano oo xabsi ah halka wiilkii Mlaxiiska iska soo dhigay isna lagu riday xukun hal sano iyo bar xabsi ah, waxa sidoo kale maxkamada xukun ku riday gabar iyana arintan wax ka ogeyd.

 

Dhacdadan layaabka laheed ee ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa noqotay mid si weyn loo hadal hayay, waxaana sheekada arintaasi lagu baahiyay Warbaahinta iyo sidoo kale baraha bulshada kuwada xariiraan.

Comments are closed