Maxay ka Wadahadleen Waftigii uu hogaaminayay Wasiir Warancade iyo Madaxwaynaha Dawlad deegaan Somalida Ethopia oo maanta ku kulmay Magaalada Jigjiga?
Jigjiga, 15, March,2016(SDN/QJ):-Weftigii uu hoggaaminayey wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed warancade ee safarka shaqo ugu maqnaa dowlad deegaanka somaalida itoobiye, ayaa saaka waxa xarunta madaxooyada magaalada Jigjiga ku qaabiley madaxweynaha dowlad deegaanka soomalida itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar,halkaas oo uu weftiga ku so dhaweeyey,isla markaana ay labada dhinac ka wada haddleen danaha labada dal.
Weftigan uu hoggaaminayo wasiirka arimaha gudaha Cali waranade ee saaka kullan-ka la yeeshay madaxweynaha dowlad deegaanka somalida itoobiya Cabdi maxamuud Cumar, ayaa waxa kamid ahaa Maayarka Caasimada Hargeysa,C/raxmaan Solteco , Xidhibaano iyo agaasimaha wasaarada warfaafinta Maxamed Aadan Ika-case.
Geesta kalena Madaxweynaha dowlada deegaanka Somaalida itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, iyo weftiga uu hoggaaminayo wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade,ayaa ka wada haddlay xaalada amaanka ,xidhiidhka laba dal,arimaha xuduudaha iyo isku socodka bulshada DDSI iyo bulsha weynta reer Somaliland,iyadoo ay labada dhinac ay is-afgarad buuxa ka gaadheen wax yaabihii ay ka wadda haddleen.
Kadibna, waxay waftiga Somaliland kormeer indha-indhayn ah oo khibrad kaqaadasho kusoo mareen hoolka sida caalamiga ah loo dhisay ee KALI oo ku yaala xarunta madaxtooyada DDSI iyagoo waftigu ladhacay qaabka loo dhisay iyo waliba wakhtiga lagu dhisay yaridiisa.
Ugu dambayntii wasiirka arimaha gudaha iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa ka abobaxay caasimada dowlada deegaanka somalida itoobiya ee jigjiga,waxaanay weftiga u boqoleen dhanka dowlada aynu deriska nahay ee jamhuriyada Jabuuti oo lagu wado inay kala Xaajoodaan Sababtii keentay Isku dhicii Shalay Dhex maray Labada Ciidan ee Ilaaladda Xeebaha ee Somaliland iyo Jabuuti oo uu ka dhashay Khasaare dhimasho gaadhsiisan.