|

Maxay Go’aanada Xukuumadu ka Bedeli doonaan Isu Socodka Somaliland Iyo Somalia,Maxayse Soo Kordhin doonaan? DAAWO

Hargaysa 29.Decembar 2015 (SDN/QJ):-Shir muddooyinkan u socday golaha Wasiirrada Somaliland ayaa waxa ay kasoo saareen go’aanno ka kooban toddoba qodob oo qaarkood saameynaya isu socodka Somaliland iyo Soomaaliya inteeda kale.

cadaaniGo’aamadan ayaa qaarkood amraya in qof kasta oo reer Somaliland ah oo Koonfurta Soomaaliya u safraya uu sito Baasaboorka Somaliland, waxaana ay hoos u dhigeen qiimaha lacagta laga qaadi jiray qofka sita Baasaboorka Soomaaliya ee tegaya Somaliland.

Somaliland waxa ay sidoo kale amaro kusoo rogtay xawaaladaha lacagta, shirkadaha diyaaradaha, kuwa Isgaarsiinta iyo sidoo kale meheradaha ganacsiga.

Amarkan ayaa waxa uu farayaa shirkadaha inaysan u adeegi karin qof aan sidan aqoonsiga Somaliland.

Go’aanadan ayaa dhaqan galaya kowda bisha January ee sanadda 2016.

Comments are closed