Maxay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Ka Tidhi Damaceeda La Xidhiidha Kamid Noqoshada Golaha Wasiirrada Soo Socda?
Muqdisho:Jan,26,2016(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Xukuumaddii Saacid Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa ka Hadashay Damaceeda ku aaddan Kamid Noqoshada Xukuumadda dhawaan la filayo inuu soo magacaabo Ra’isal wasaare Cumar Cadbirashiid Sharma’arke.
Marwo Foosiya oo haatan kamid ah Xubnaha Golaha Baarlamaanka Somalia, ayaa si cad u sheegtay inaanu wax damac ahi kaga jirin xukuumadda Cusub oo wararka qaarkood la xidhiidhinayaan inay kusoo bixi doonto.
Xildhibaan Fowsiya waxa ay sheegtay inay jiraan dad badan oo aaminsan aragtida ah in Fowsiya ay doonayso inay kamid noqoto Golaha cusub ee Wasiirada Soomaaliya, balse sida ay sheegtay ma aha ayey tidhi hadafkeyga inaan kamid noqdo Xukuumadda cusub.
Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa tilmaamtay in ujeedada ay tahay in dalka uu hagaago oo si cadaalad ah wax lagu qaybsado, islamarkaana taasi ay qayb ka tahay sababaha ay uga mid tahay Xildhibaano ku bahoobay magaca Xildhibaanada Toosinta Tallada Qaranka.
“Aniga damac iigama jiro xil Wasiir, waan ogahay dad badan ayaa aaminsan oo is leh Fowsiya Wasiir bey doonaysaa, laakiin waxaan u sheegayaa in xil Wasiirnimo aanan u baahneyn”Ayey ku sheegtay Wareysi ay siisay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanad Fowsiya ayaa si weyn uga dhex-muuqata Xubno hore usoo noqday Wasiiro, hadana lagu xamanaayo inay doonayaan inay mar kale noqdaan Wasiiro kasoo dhex-muuqda Xukuumadda cusub ee dhawaan la qorsheynaayo in lasoo dhiso.
Madaxda Soomaalida ayaa ah kuwa jecel maamulka, iyaga oo aanan dooneyn marnaba in isbedel lagu sameeyo xilka ay hayaan, balse taasi bedelkeeda jecel inay iska joogaan oo ay xilkooda hayaan inbadan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com