Maxay Dunida Kubada Cagtu Ka Tidhi Doorashada Madaxtinimada Mareykanka & Guusha Donald Trump?
Washington 16. November 2016 (SDN/QJ):- Donald Trump ayaa loo doortay madaxweynihii 45aad ee dalka Mareykanka isagoo tartanka Aqalka Cad kaga badiyay Hillary Clinton.
Waxaan idiin soo gudbineynaa waxa ay dunida kubada cagta ka tidhi doorashada Mareykanka iyo natiijadii uu ku soo baxay Donald Trump,Taas oo Ra’yul Caalamka adduunka lama filaan ku noqotay.
Daafaca kooxda Tottenham iyo xulka Belgium Jan Vertonghen ayaa si dhow ula socday doorashada Mareykanka, waxaana uu boggiisa Twitter uu soo dhigay qoraalo uu kaga hadlayo natiijada doorashada iyo guusha lama filaanka ahayd ee uu gaadhay Donald Trump. “Ma aamini karo waxa aan arkayo. Tani waa ceeb” ayuu soo qoray. Ka hor inta aanu soo qorin: “Waxaan jeclaan lahaa inaan la hadlo qof si dhab ah u taageersan Tump si aan u arko waxa maskaxdooda ku jira laakiin ma heli karo…”. Daaficii hore ee Manchester United Philip Neville ayaa isna ka hadlay natiijada doorashada Trump ee Mareykanka isagoo soo qoray: “Waan ogaa in Trump guuleysan doono.”
Ciyaaryahankii hore ee Liverpool Ryan Babel oo ah shaqsi si weyn uga dhex muuqda baraha bulshada ayaa isna soo qoray: “Aad ayaan u walwalsanahay, mana ahi Mareykan”. Xiddiga kooxda Rangers Joey Barton ayaa isna la yaab ay ku noqotay natiijada doorashadu, waxaana uu soo qoray: “Madaxweyne Trump. Kaliya Mareykanka ayaa laga helaa…” Kabtanka Manchester Vincent Kompany ayaa isna fekerkiisa ku soo qoray Twitter: “Wtf…Aan dhamaan doqomada dunida oo dhan awooda u dhiibno islamarkaana aan aragno waxa dhaca. Waa jiilka soo socda barnaamijyadooda telefsihinka. Duni murugo leh.”. Daadiyaha barnaamijka BBC ee Match of the Day Gary Lineker ayaa isna soo qoray: “Waxaan nool nahay waqtiyo cajiib ah.”
Inkasta oo aanay ciyaaraha iyo siyaasaddu inta badan is dhex galin haddana waxa tan keenaysa xiisaha ay lahayd iyo sida loola socday doorashada Maraykanku sannadkan.