|

Maxay Dawladda Federal-ku Ka Tidhi Weerarkii Shababku Kula Wareegeen Hutel Maka Al-mukarama?

Muqdisho:Mar,28,2015(SDN/QJ)-Dawladda Federal-ka Somalia, ayaa markii ugu horraysay Ka Hadashay Weerarkii Kooxda Al-shabaab Kula wareegtay Hutel Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay dhimasho iyo dhaawac Badani ka dhasheen.

qoloWasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir(maareeye)oo xalay warbaahinta la Hadlay, ayaa sheegay in Xukuumaddu la tacaashay kooxdii qaadday weerarkaas.

Wasiirka ayaa sheegay in inta badan hotelka ay la wareegeen ciidamada dowlada Soomaaliya laakiin hal askari oo ka tirsan kooxda weerarka soo qaaday uu ku jiro hotelka.

Wasiirka ayaa sidoo kale in ciidamada dowlada Soomaaliya ay doonayaan in dadka Soomaaliyeed aanay waxyeelo u geysan, sidaas darteedna ay iska dhawrayaan.

Wasiir Xayir, ayaa sheegay inay dhawaan soo saari doonaan faahfaahinta weerarkaas shabaabku gudaha ugu galeen Hutelka, waxana uu tilmaamay in lasoo afjari doono Hawlgalkaas.

“Ilaa hadda dada dhibaatada gaadhay ma garaneyno, ugu yaraan dadka ilaalada lahayay ayaa dhintay, dib ayaan warbixinada ka bixin doonaa, dhimasho iyo dhaawac wey jirtaa, ciidamada dowlada ayaa la wareegtay” Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sidaasi sheegay.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidanka Booliska oo Warbaahinta la Hadlay, ayaa sheegay in Hal Nin oo dhaawac ahi uu wali Hutelka Dabaqiisa sare ku sugan yahay, isla-markaana aanay ciidamadu wali huteelka Qolalkiisa wada gelin.

Hawlgalkaas shabaabku qaadeen ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen dad tiradoodu kor u dhaafayso ilaa iyo Toban qof, kuwaas oo intaada badani ahaayeen Dad rayid ah.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed