Maxay daaranayd Xog Ururin Diiwaangelinta Madaniga ah iyo ta Codbixiyeyaasha oo Akaademigu Sameeyay DAAWO
Hargaysa 24.Sep 2014 (SDN/QJ)- Akaademiga Nabadda Iyo Horumarinta Somaliland ayaa soo bandhigtay Macluumaad Ra’yi uruurin ah oo ay ka soo sameeyeen Gobollada Somalilnad, kaasoo la xidhiidha Diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo Diiwaan-gelinta Madaniga ah.
Munaasibad si heer-sarre ah loo soo qaban-qaabiyey ayaa lagu qabtay Hotel Maansoor ee Caasimadda Hargaysa, taasoo ay ka soo qayb-galeen Guddoomiyaha Akadamiga Nabadda iyo Horumarinta Maxamed Faarax Xirsi, Madax ka socotay Xisbiyada qaranka, Saraakiil ka socotay Wasaarradaha, ururrada bulshada rayidka ah iyo Arday ka socotay Jaamacaddaha dalka.
Guddoomiyaha Akaademiga ah Nabadda iyo Horumarinta Somaliland Maxamed Faarax Xirsi, ayaa faahfaahin ka bixiyey Ra’yi-ururintaas oo uu sheegay inay ka soo ururiyeen guud ahaan gobollada Somaliland, waxaanu sheegay in Ra’yi-ururintan ay soo bandhigeen tahay mid muhiim ah oo wax badan lagaga ogaan karo heerarka fikir ahaan dadweynaha reer Somaliland kala taagan yihiin marka laga hadlayo arrimaha la xidhiidha doorashooyinka iyo labada diiwaangelinood ee Cod-bixiyeyaasha iyo ta Madaniga ah.
Akaademiga Nabadda iyo Horumarintu waxay maanta halkan ku soo bandhigtay Ra’yi-ururin aannu ka samaynay lixda gobol ee dalka oo dhan, nuxurkeeduna wuxu ahaa bal in la ogaado afkaarta dadku waxay qabaan, ka dibna la wadaagno dadku waxay aamminsan yihiin ama ka fikirayaan Masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiyada, dawladda, Guddiga doorashada iyo cidda taladu khusayso.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Akaademiga nabadda iyo horumarinta Somalialnd Maxamed Faarax Xirsi.