|

Maxamed Salaax oo Noqday Ciyaaryahankii Ugu Qaalisanaa Afrika, Carabta, Liverpool iyo Roma

Roma 26. June 2017 (SDN/QJ):- Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Masar ee Maxamed Salaax ayaa taariikhda qayb ka galay markii uu noqday ciyaaryahankii ugu qaalisanaa ee ay soo iibsato kooxda Liverpool ee horyaalka Dalka ingiriisku.

Maxamed Salaax oo dhowaan ay kala iibsadeen Kooxaha Roma iyo Liverpool ayaa qiimahiisu gaadhay 47 Milion oo lacagta Euro-da ah, taasoo ka dhigtay heshiiskii ugu qaalisanaa ee ay cid kale la gasho kooxda kubada cagta ee Roma ee Dalka Talyaanigu.

 

Maxamed salaax ayaa kala iibsashadiisani waxay rikoodh cusub u dhigtay iibka ciyaartoyda carabta iyo Afrikaanka ee ka ciyaara kooxaha waaweyn ee caalamiga ah iyadoo uu ciyaaryahnka Sadio Mani oo isla kooxda Liverpool joogaa uu hore u ahaa ciyaaryahankii ugu qaalisanaa ee Afrikaan ah ee la kala iibsado,

 

Ciyaaryahan Maxamed Salaax ayaa ku biiray kooxda Roma sanadkii 2015 xiligaa oo uu kaga yimid dhanka kooxda Chelsea, waxana uu u saftay 83 ciyaarood isagoo u dhaliyey 34 gool.

Comments are closed