Maxamed Kaahin oo Afka Furtay iyo H/Jeclo oo qarka u saaran in ay Jabhad ku dhawaaqaan
Hargeysa Augost 05, 2023 (QJ) – Kulan ka dhacay Xaafadtooyada Hargeysa ayaa lagu falanqeeyay saameynta jabhada Gacan-libaax ku yeelatay xukunka Muuse Biixi iyo sidii beesha H/Jeclo dagaalka laabta ugu sii deyn laheyd.
Muuse Biixi, Saleebaan Gaal iyo Maxamed Kaahin oo isu keliyeystay ayaa ka hadlay cagojiidka H/Jeclo iyo waxa laga yeeli karo.
Huwanta Hargeysa ayaa isku deygoodii u danbeeyay ee ahaa in dagaalkii Ceel-Afweyn dib loo soo ku guul dareytay, isla markaana haatan isla eegaya hab kale oo dagaalka loo balaariyo.
Muuse Biixi ayaa shirkan uga cataabay in aanu isaga iyo ehelkiisu dalka ku sii waari doonin hadii isbedel doonku talada dalka la waregaan, sidaa awgeedna loo baahan yahay qorshe ay dalka ku sii heystaan.
Ka qeybgaleyaashaa kulanka qaarkood ayaa soo jeediyay in la isku dayo adeegsiga Faysal Cali Waraabe iyo qaar ka mid ah madaxda Waddani si xaalka loo dejiyo.
Balse Maxamed Kaahin oo ka careysnaa hadalo ku saabsan Xariga Wariye Bushaaro Baandey oo uu adeer u yahay ayaa mar uu hadalka la wareegay waxa uu Muuse Biixi u sheegay in H/Jeclo ka careysan tahay in Inankiisa Maxamed Muuse ka danbeeyo xadhiga Bushaaro.
Waxa uu Kaahin intaa raciyay in hadii aan dhawaan la siideyn Wariyaha ay beeshiisu iyana jabhada taageeri doonto ama mid u gaar ah ku dhawaaqi doonto.
Muuse Biixi iyo ka qeybgalayaasha ayaa arinkaa aamus uga jawaabay, taas oo ka sii careysiisay Maxamed Kaahin.
Si kastaba ha ahaatee Jabhada Gacan-Libaax ayaa dagaal maalin uun ay galaan ka xigtaa qabsashada Berbera oo ah halboowlaha lacagaha Muuse dalka ka urursado.