|

Maxamed Haaruun Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UCID oo ku guuleystay Tartakank Qoraalada Sheeko iyo Shaahid

Hargeysa July 17,2012(SDN)-Waxa la shaaciyay cida ku guuleysatay tartankii Sheeko iyo Shaahid ee bandhiga buugaagta Hargeysa ee sanadkan 2012ka.

Tartanka iyo bandhigaba waxa lagu qabtay qolka shirarka ee xarunta shaqaalaha ee magaalada Hargeysa halkaas oo lagu soo bandhigay buugaagta ito tartemaayaashaba.

Jaamac Muuse Jaamac oo ah agaasimaha Dhaqanka iyo Suugaanta oo goobta tartanka lagu soo gunaanaday ka hadlay ayaa sheegay in Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Xisbiga UCID Md Maxamed Haruun Biixi uu kaalinta kowaad ka galay tartanka.

Waxa isna kaalinta labaad galay Suxufiga da’da yar ee Barkhad Kaariye.oo ah ruux suxufinimada ka sokow daabaca qoraalo wax ku oola.

Halka ay kaalinta sadexaadna ay ka gashay Haweeney magaceeda lagu soo sheegay Safiya Axmed Cali oo aan madasha ka soo xaadirin.

Sadexda Ruux ee ku kala guuleystay kaalimaha 1aad,2aad,iyo 3aad ayaa kala helay abaal marino kala gedisan.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed