|

Maxamed Faarax (Moh Faarah) oo Wacdaro ka dhigay Tartanka Olombikada ee ka socda Brasil

Rio 22, August, 2016- (SDN/QJ):- Orodyahan caanka ah ee Maxamed Faarax ayaa habeenkii xalley ku guuleystay Orodka 5000 Mitir.

Maxamed Faarax, oo u ordayay Dalka Britain ayaa guul wayn kasoo hooyay tartan Olombikada ee sanadkan lagu ciyaarayo dalka Brasil.

Maxamed Faarax waxaa uu ka guuleystay  Orodyahano ka socda kontameeyo dal oo aduunka ah kuwaasi oo kasoo qaybgalay tartan ciyaaraha Olombikada.

Orodyahanka  caanka ah ee Maxamed Faarax, waxaa uu sidoo kale todobaadkii hore ku guuleystay oradka 1500 ah isagoo habeenkaasi indhaha caalamka aad uga yaabiyay  dhigayna taariikh cusub oo ciyaaraha orodka ah.

Orodyahankan oo u dhashay Somaliland ama Somaliya balse  u orda  waddanka Britain ayaa intii uu ku jiray tartankii todobaadkii hore kufay kadibna  ka daba kacay orodyahanadii kale ee la tartamayay oo ka guuleystay.

Maxamed Faarax,  waxaa uu jabiyay  Rikoodh  ay  hore  u dhigeen   orodyahano dunida ka yaabiyay isagoo imikana dhigay taariikh cusub oo dhinaca ciyaaraha Orodka ah.

Boqorada Ingiriiska ayaa la filayaa inay guddoonsiiso Maxamed Faarax,  Billada ugu qaalisan ee ay Bixiso.Maxamed Faarax,  waxaa uu dhalasho ahaan kasoo jeeda Soomaaliland  balse waxaa uu deganyahay Dalka Ingiriiska oo uu imika u  yahay Orodyahanka ugu qaalisan ee ay hasytaan kadib markii uu sanadihii u dambeeyay usoo hooyay guulo badan oo dhinaca ciyaaraha Orodka ah, wakhtigan waa orodyahan ugu wanaagsan Dunida.

Maxamed Faarax waxaa uu leeyahay Hal Xaas iyo saddex caruur ah, qoyskooda uu kasoo jeedaana  waxaa ay ku noolyihiin Somaliland waxaana ay xoolo ku dhaqdaan Gobolka Gabiley ee Galbeedka Magaalada Hargeysa.

Comments are closed