|

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Oo Qaab Xiiso Badan Uga Sheekeeyey Xidhiidh Wada-shaqayneed iyo Talooyin Dhaxal-gal ah Oo Uu Ka Dhaxlay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

Washington: Feb-02-2014(SDN)- Ra’isal Wasaarihii Hore ee Somalia Xilligii Dawladii Sheekh Shariif Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa Si Faahfaahsan uga Hadlay Xidhiidhkii uu La Lahaa Alah ha u naxariistee Ra’isal wasaarihii Hore ee Somalia ee Dhawaan Geeriyooday Cadbirisaaq Xaaji Xuseen.

farmaajoMaxmed Cadbilaahi Farmaajo waxa uu ugu Horrayn Tacsi Tiiraanyo leh u diray Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka Baxa Marxuumku isagoo Eebena uga Rajeeyey inuu  Naxariistiisa ka Waraabiyo.

“Waxan raba inaan idinla wadaago wixii aqoon ahayd ee Aan lahaa Cadbirasaaq xaaji Xuseen, aniga waxan marki ugu horeysay ee an la hadlo ay ahayd marki la imagacabay r/wasaraha maalinti la imagacabay maalinti ku xigtay wuxu ahaa qofkii ugu horeyay ee aan la hadlo oo an weydiisto talooyin iyo wuxu igu kordhin karo ,

 

C.risaaq Xaaji Xuseen Marxum allaha u naxariiste wuxu isiiyay laba talo oo ad u wanagsan

 

1. in dalka daacadnimo loogu shaqeeyo

 

2.in wada shaqeyn madaxda sare dhaxdooda ah ay yeeshaan si hawsha qaranka isku meel looga soo wada jeesto , ilaahay waa nagu guuleyay taladaas qiimaha leh

 

Kadib marki aan mareykanka dib ugu soo labtay tira 2 goor ah ayaan la kulmay si an wax uga faidaysto taariikhdiisa iyo halgankiisi dheeraa ee uu soo galay waxyabaha cajiib ka ah ee uu ii sheegay waxa kamid ahaa mid waxay ahayd asagoo hadlaya ayuu hadlaka soo dhaxgeliyay beel i shegata oo an beri hore ka tirsanan jiray , markas ban iri adeer hadalkas i jilci maxaad ka wadaa beel aad ka tirsanaan jirtay oo hada ku shegata ,wuxu yiri marki an SYL ka galnay ayaa nala dhaariyay waxana nalagu dhariyay inan wax somali ka hoseysa an lakala sheegan oo qofka somaliga ah ee kaso qeybgalaya SYL KA waxa kaliya uu ku faano ay tahay somalinimada oo qabiilka meesha laga saaro ,anna markas ayan ka baxay qabiilkii oo aan aaday somalinimadii,”

 

Markaa tasi runti wa wax lo bahan yahay in runti lagu daydo

 

Wuxu kaloo uu iigu daray hadii aad halmar dhaaratid dhartu (EXPIRE ) ma noqoto oo dhaartu waa socota markii an dhaartay oo an ku dhaartay inan xisbiga kamid noqdo oo an qabyalada ka fogaado marka dhaartaas wa waligeed ilaaa hada ,

markii an r/wasaraha noqdayna dhaartii oo la xoojiyay ayaan ku dhaartay inan dacad noqodo , marka waxad arkaysa dad badan oo xilki ka tagay o dhar qaatay ama dad badan oo xilka fadhiya oo dalki iyo diinti ku dhaartay oo dano kale iyo qabilki wata ,

 

Arinka kale ee aan weydiyay oo ahayd maxay ku kala duwan yihin dadki waagaas SYL ka ahaa oo legada ahaa iyo dadka hada jooga wuxu yidhi :

 

Ader halkudhig waxa noo ahaan jiray halheys oo an hada jirin ( ALAA RAG NAGA DHIGAY RAFAAD KA HANOO SO HORMARTO RAXADA HANOO DANBEYSO )

Marka hada waxa jirta ( RAGBA ALLE NAGA DHIGAY RAXADA HANOO SOO HORMARTO RAFAADKU HANO DANBEEYO )

 

Allaha u anxariisto marxum ka wuxu ahaa 90 jir lkn ilaahay siyay maskax oo ad moodo nin dhalinyaro balse waqtigiisi ayaa intas ku ekaaa ilaaahay hau naxariisto”

Ayuu  ku soo Gebogebeeyey Qoraalkan uu soo Dhigay Barta uu ku Leeyahay Face-Book-ga.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed