|

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Oo Jawaab Ka Bixiyey Warar Saxaafaddu Ka Baahisay

Bufalo:06-Dec-2013 (SDN)- Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xilligii Xukuumaddii Sheekh Shariif, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa jawaab ka Bixiyey Hadallo muddooyinkii ugu dambeeyey ay warbaahinta soomaalidu ka qoraysay.

farmaajoRa’iisal wasaare Farmaajo, ayaa Beeniyey jiritaanka Wararka sheegaya in Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud uu ka Codsaday inuu u dhiibo Jagada  uu banneeyey Ra’iisal wasaaraha Baarlamaanku Xilka ka qaaday ee Saacdi.

Farmaajo ayaa ku qoray bartiisa Facebook qoraalkan gaaban “Waxan ka codsanaya warbaahinta wax lagu qoro in ay joojiyan wararka been aburka ah ee igu sabsan oo aanay jirin meel ay kasoo xigteen anigana kama hadal arrimaha hada wadanka ka jira,Mahadsanidin.”

Hadalka Farmaajo ayaa jawaab u ah warar been abuur ah oo ay qoreen bogogga Online, kuwaasoo leh waxaa loo magacaabi doonaa raysal wasaare iyo wuu didday.

 

Farmaajo ayaa ahaa raysal wasaarihii ugu taageeraha badnaa xilligii kumeel gaadhka, waxa ay is qabteen madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Beesha caalamka.

Maxamed Cadbilaahi Farmaajo, ayaa sumcad iyo taageero ballaadhan ku dhex lahaa shacabka soomaaliyeed, waxana uu  xoog kaga saaray shabaabkii haystay inta badan magaalada Muqdisho, iyadoo maanka lagu hayo in maalintii uu xilka iska casilay inay shacabka soomaaliyeed mudaharaad ballaadhan kaga jawaabeen.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed