|

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Oo Baaq U Jeediyey Labada Dhinac Ee Ku Dagaalamaya Shabeelaha Hoose

Buffalo:17-Dec-2013(SDN)-Ra’isul wasaarihii loogu jeclaa taariikhda Soomaalida Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa Baaq ka Soo Saaray Dagaalada lagu Hoobtay oo maalmihii ugu dambeeyey Gobolka Shabeelaha Hoose ku dhex maraya Soomaalida Halkaas wada Degta.

farmaajo Maxamed Cabdilaahi farmajo waxa uu ugu baaqay labada Dhinac inay Nabad qaataan oo dagaalka Joojiyaan,

“Deegaannada qaar ee Wadanka waxa ka socda colaado aan hada haboonayn illaaahay ha qaboojiyo ha waafajiyo xaqa dagaal waxba laga dheefimaayo ” ayuu yidhi Farmaajo oo warkan ku soo qoray bartiisa Facebook.

Hadalka Farmaajo ayaa ka mid ah baaqyo loo dirayo kooxaha ku dagaalamaya gobalka Shabeellaha Hoose halkaasoo ay isku haystaan maleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda Biiyamaal iyo Habar-gidir.

Dagaalka ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ee u dhaxeeya beelaha Biyo-Maal iyo Habar-Gidir, ayaa la sheegay in uu gaystay khasaaro xooggan waxaana ku barakacay dadkii ku noolaa goobaha lagu dagaalamay.

Sidoo kale dagaalkan ayaa maalinba maalinta ka dambaysa sii ballaadhanaya, waxana uu u eg yahay mid aan wali wax waan waan ah laga gaadhin oo sii socon doona, maadaama aanay jirin cid awood leh oo dhexdhexaadin ka dhex abuurtay labada Dhinac.

 

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed