|

Maxakamada Banaadir oo Amartay Xariga Axmed Madoobe

Muqdisho November 27, 2024 (QJ) Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dhawaan soo saartay amar lagu soo xirayo Axmed Madoobe oo 25-kii bishan markii saddexaad loo doortay madaxweynaha Jubaland.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu shaaciyay amarkan, iyadoo lagu amray soo qabashada Axmed Madoobe in la horgeeyo Maxkamadda.

Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyay inuu galay dambiyo ka dhan ah midnimada iyo wadajirka geyiga Soomaaliya, kaasoo si hufan loogu tilmaamay “khiyaano qaran” sida lagu sheegay qoraalka maxkamadda.

Eedeymaha lagu soo oogay Axmed Madoobe ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah inuu la shaqeynayay dal shisheeye, inuu ku kacay falal ka dhan ah qaranimada Soomaaliya, iyo inuu galay xadgudubyo ka dhan ah dastuurka iyo nidaamka dalka, sida ay sheegtay maxkamadda.

Amarka lagu soo xiray Axmed Madoobe ayaa daba socday amar ka soo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya, kaasi oo lagu faray Xeer Ilaaliyaha Qaranka in dacwad lagu soo oogo Maxkamadda la horgeeyo.

Golaha Wasiirada ayaa arrintan si cad u sheegay go’aan ay soo saareen, iyagoo sheegay in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka ee Jubaland ay tahay mid aan waafaqsaneyn dastuurka dalka, isla markaana ka hor imaanaya shuruucda dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ciidamo geysay deegaanada Jubaland si ay uga hortagaan in Axmed Madoobe uu mar kale awoodiisa kusoo koobo, isagoo walaac ka muujiyay in xiisada ay isku badasho dagaal toos ah.

Comments are closed