|

Maxaay tahay sababta xilalkii looga qaaday Taliyihii ciidanka Somaliland iyo ku-xigeenkiisii

Hargeysa Feb 10,2012(qurbejoog.com)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay si lama filaan ah xilalkii uga qaaday Taliyihii ciidamada Somaliland Gen Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) iyo Abaanduulihii ciidanka Ibraahin Caydiid Axmed,isweydiinta u badana waxa ay aheyd sababta keentay tilaabadan.

Dadka ka faalooda siyaasada Somaliland ayaa qaba in tilaabadani ay muujineyso hogaan xumo ciidanka io xukuumada sumcada ka dileysa.

Hadal heynta ugu badana waxa ay tahay in wasiirka Gaashaandhiga,Taliyaha Ciidamada iyo Abaanduuluhuba in aaney bixin amarada ciidamadu ay ku hawlgaleen dagaaladii u danbeeyay ee ka dhacay Aaga Buhoodle balse uu bixiyay wasiirka madaxtooyada Somaliland Md Xirsi xaaji xasan.

Talabaas oo culeys saaid ah dul dhigtay madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo taageereyaashisii hubaasha ka dhigay in uu qabto mar uun kursiga dalka u sareeya.

Taliyaha ciidanka Somaliland Gen Jidhif ayaa shalay warbixin uu ka bixiyay xaaladaha ku xeedhan dagaalada ka soo cusboonaaday aaga Buhoodle waxa uu sawir si dadban uga bixiyay hogaan xumada dalka heysata.

Waxa uu iftiimiyay Genanku in amaada xukuumada uga imanaya loo fasiran karo in ay salka ku hayaan uun anaa idhi, is-muujis iyo khibrad daro.

Waana sababtaa ta dad badani qabaan ta keentay in madaxtooyadu qaadato goaankan ku soo boodka ah ee layaabka keenay.

Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed