Maxaad kala socotaa Wadamada Carabta ee aan weli canbaareyn xasuuqa Yuhuuda ee Qaza iyo sababaha ku xeeran aamusnaantooda
London July 31,2014(SDN/QJ)-Dawlado Islam ah oo isla markaana Carab ah Ayaan ilaa iyuo haatan ka hadal xasuuqa ka socda degaanka Falastiin ee Qaza.
Dawladahan oo qaarkood ahaan xiriir siyaasadeed la laheyn Yuhuuda ayaa hadan door biday in ay ka aamusaan xasuuqa Yuhuudu ka wado Qaza.
Dalalka Sucuudiga,Jordan iyo Masar ayaa ilaa iyo haatan canbaareyn duulaanka Yuhuuda ee degaanka Marinka Qaza ee boqolaalka rayidka ahi ay ku dhinteen.
Arinkan ayaa dadka siyaasada bariga dhexe falanqeeya waxa ay ku micneeyeen in ay salka ku heyso dawladahan caamiliinta ahi in ay walaac ka qabaan saameynta ay siyaasada ku yeesheen kooxaha Islamiyiinta caalamka.
Waxaana la yaab kale noqday in dawladaha caamiliinta garbigu aaney weli wax mucaawino ah u dirin ilaa iyo haatan.
Si kastaba ha ahaatee dunida ayaa guud ahaan haatan u muuqata in ay ku baraarugeen xasuuqa ka socda Qaza.
SDN/QJ-London