|

Maxaad Ka Taqaanaa Faa’iidooyinka Jidhku Ka Helo Soonka Bisha Ramadaan ?

Hargaysa 08. June 2017 (SDN/QJ):- Waxaynu haatan ku guda jirnaa bish barakaysan ee Ramadaan, haddaba ma isweydiisay wixii  ku dhici kara jidhkaaga haddii aad bishan si wanaagsan u soonto, waxa xaqiiqo ah in soonku uu nadiifiyo jidhka aadamaha guud ahaan, waxaana arrintaa inoo sheegaya Dr Majdi Badraan waxaanu tilmaamay Dhakhtarku in soonka bisha ramadaan uu jidhka ka sifeeyo dhammaan Sunta ku jirta oo dhan, suntaasi oo ah mid sanadka oo dhan soo tarmaysay oo ku badatay jidhka, waxa kale oo uu soonku bishani jidhka kusoo kordhiyaa in unnugyada dhiigu battaan isla markaana hab- dhiska difaaca ee jidhku uu kor u kaco.

Waxa kale oo uu dhakhtarku intaaasi ku daray in Caafimaadka Beer yaradu uu kor u kaco arrintaasina waxay ka hor tagaysaa in muddo dhawr bilood ah aanu qofka ku dhici Karin  macaanku, waxa ka mid ah faa’iidooyinka soonku u leeyahay jidhka qofka in maaddada loo yaqaan Nicotine-ka ee ku jirta sigaarku ay ka baxdo jidhka waana ta u fududayn karta qofka sooma bishaasi inuu iska daayo sigaarka, haddii uu ahaa qof marka hore si aad ah sigaarka u cabi jiray.

Sido kale bisha barakaysan ee Ramadaan waa bisha kaliya ee uu jidhka aadamuhu helo nasasho ku filan waxaanu qofka bishaasi sida wanaagsan u sooma la imanayaa firfircooni iyo caafimaad wanaagsan marka bishaasi dhammaato.

Haddaba, waa in aynu ka faa’iidaysano bishan sida cibaadada iyo hadii ay tahay dhinaca caafimaadka ba.

Comments are closed