|

Maxaad Ka Taqaana Ceelka Samsam Ee Ugu Cimriga Dheer Ceelasha Adduunka?

Makkaha 28. March 2017 (SDN/QJ):- Ceelka Samsam iyo kacbada barakaysan waxa u dhexeeya Masaafo dhan 20 Mittir, Ceelka Samsam waa ceelka ugu da’da weyn ceelasha ka jira Dunida Guudkeeda, Ceelkan ayaa waxa la xaqiijiyay inuu jiray muddo dhan 5 kun oo sanno laga soo bilaabo markii ay biyaha ceelkani soo darreereen xilligii uu Nebi Ismaaciil CS iyo Hooyadii Haajira oo ahayd Nabi Ibraahim CS Xaaskiisii ay halkaasi ku sugnaayeen, Deraasado badan oo laga sameeyay dhinaca Ceelasha ayaa waxay xaqiijiyeen in cimriga Ceelku aanu ka badan Karin muddo 70 sano ah, taasi oo macnaheedu yahay in maalinta ugu horraysa ee Ceelka biyo ka soo baxaan uu jiri karo 70 sano.

Balse, Ceelka Samsam waxa ku duugan xikmada Rabbaani ah oo aan Ilaahay mooyee cid kale ogeyn maadaama oo uu shan kun oo sano ah jiro, waana ceelka barakaysan ee qof kasta oo Muslim ah ku hammiyo inuu biyihiisa mar uun cabbo ama uu dul tago, waxaanu ka mid yahay nimcooyinka ay habboon tahay in Ilaahay ugu mahad celino.

Comments are closed