Maxaad Ka Taqaana Albaabkii U Horreeyay Ee Loo Sameeyo Kacbada Barakaysan & Sababtii Keentay ?
Riyadh 14. May 2017 (SDN/QJ):- Albaabkii ugu horreeyay ee lagu xidho Kacbada Barakaysan ayaa la sameeyay sanadkii 1630kii,taasi oo macnaheedu tahay in xilligii albaabkaasi la sameeyay ay ka soo wareegtay afar qarni waxaana amar ku bixiyay in albaabkaasi kacbada lagu xidho Suldaan ka tirsanaa Dawladii Cusmaaniyiinta oo la odhan jiray Suldaan Muraad Al Raabic.
Sababta keentay in albaab loo sameeyo kacbada ayaa aheyd markii uu roob aad u weyni uu ka Da’ay Magaalada Maka, kaasi oo wattay Daadad aan waligeed lagu arag Magaaladaasi waxaanu roobkaasi sababay in Xaramka ay galaan Biyo aad u badnaa oo buuxiyay Xaramka dhex fadhiistayna, waxaanay sababeen inuu Gidaarka Waqooyi ee Kacbadu Dumo oo uu Dildilaacna soo gaadho Gidaarka Bari ee kacbada kaasi oo uu albaabka kacbadu ku yaalay, waxaanu isla markiiba Suldaan Muraad soo saaray amar degdeg ah oo Dib loogu dhisayo Gidaarada Kacbada iyo in albaab cusub loo sameeyo.