Maxaad Ka Taqaan Ereyada Ku Cusub Siyaasadda Somaliland? “GUURTI BILAA SHAARUBO AH”
Hargeysa,22Aug,2015(QJ/SDN)- Hal ku dheg ayaa ayaa ahaa “Wixii Cusub Caalamkaa Jecel”. Ereyada ku cusub Siyaasada Somaliland maxaad ka taqaan, Hadaba haddii aan isku dayo inaan halkan idinku soo gudbiyo ereyada ku cusub Siyaasadda Somaliland, ayaa waxay Shabakada Wararka ee Hayaannews ka wareysatay Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil Rooda Axmed-Yaasin.
Waxaanay kala yihiin sidan:
1. Guurti bilaa Shaarubo Ah: Waxa eregan bixiyay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, isaga oo ula jeeday Dumarka inta baddan lagu xanto inay awooda ugu baddan ku leeyihiin Xisbiga KULMIYE weliba kuwooda ugu sareeya.
2. Duco-taraartay: Ereygan waxa bixisay Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil Rooda Axmed-Yaasin, iyada oo ku soo halqabsatay Mar uu Sheekha Haamaha Shidaalku ka hadlayay Magaalada Berbera ayaa isaga oo doonayay inuu soo jiito Madaxweynaha iyo Marwadiisa Markaasu yidhi “ILAAHAY Marwada iyo Madaxweynaha ubad khayr qaba ha kala siiyo”.taas oo aanay jeclaysan Marwada, Waana taageerada uu qofku qof kale amaan duco ah kula-dul-kufo.
3. Soo Daataa: Waxa bixiyay Ereygan Xildhibaan Jaamac Riyo oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, waxaana loo isticmaalayaa markaad Xukuumadda ku kacsan tahay.
4. Booyadaha Dawlada: Ereygan waxa bixiyay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, waxaana la yidhaahda Marka xeer duuduub lagu ansixinayo, waxa jira xildhibaanada lacagta la siinayo xildhibaano lacagta u qeybqeybiya kuwaas ayaa la yidhaaahda ‘Booyadaha Dawlada’.
5. Kor U Hay: Waxa bixiyay Jamaal Cali Xuseen, isaga ku micneeyey inuu ula jeeday dad baddan oo ay dawladu xilal u balanqaaday oo aan xilalkiina la siinin, kuwaas ayaa la yidhaahda hebel waxa uu ku jiraa ‘Kor u hay,.
6. Haakah Suge: Waxa ereygan bixiyay Boobe Yuusuf Ducaale, isaga oo ku soo halqabsanayay Murrashixiinta ku dhawaaqay inay Madaxweynaha Dabadii marka uu haakah yidhaahdo ay isa soo sharxayaan.
7. Sankaad Caano-Kakeeni: Waxa Ereygan bixiyay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, isaga oo u hanjabayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaaan-Cirro, waxaana la isticmaalayaa marla la isku hanjabayo.
8. Isu-Boga: Ereygan Waxa bixisay Xoghayaha arrimaha Bulshada Xisbiga WADDANI Marwo Aamina oo waxay ka tidhi Magaalada Burco, iyada oo ka yaaban sida ay xukuumadu KULMIYE isugu bogtay, waxaana la isticmaalayaa marka uu qofku faanka badiyo.
9. Xirsi Kor oo Ka Deg: Waxa Ereygan bixiyay reer Burco iyaga ku duraya qabyada waddada Ceerigaabo.
10. Milxiis Siyaasadeed: Ereygan waxa uu u baxay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Yuusuf oo ka tirsan Golaha Deegaanka Magaalada Berbera, waxaanu kula baxay, isaga oo bilaa u-jeedo ah iska raacay Maayirka Magaalada Berbera, waxaanu kula baxay markii uu yidhi “Muuqeygu waa UCID, Maskaxdeyduna waa KULMIYE”. Ereygan waxa imika lagu isticmaala dadka bilaa U-jeedada u guur-guura ee aan meel ku adkeysan.
11. Janno- Ka Bood: Ereygan waxa bixiyay Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Rayaale, isaga oo ku soo halqabsanayay Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Wakiillada oo ay Is-weerareen, waxaana la isticmaalayaa marka uu nin Sheekh ahi uu Siyaasada soo galo.
12. Jug-Soo Dhacay: Waxa uu soo baxay wakhtigii dawladii Daahir Rayaale Kaahin,iyada oo lagu naanaysay Xoghayihii Xisbiga UDUB oo ay dadku garan-waayeen meesha uu Siyaasada ka soo galay,
13. Xirsi Today: Waxa bixiyay Xisbiga UCID, iyaga oo ula jeeday Joornaalka la yidhaahdo Somalilandtoday oo si cad Madaxtooyada looga darawaliyo, dadka fadeexadeeya.
14. Xeer-Tahriibin: Waxa loola jeeda marka ay XildhibaanadU Xeer Duuduub ku ansixinayaan.
15. Weji Ku Macaash: Waxa uu ku baxay marka uu qof lacag la soo siiyo ee uu qof kale u jawaabayo ayaa la yidhaahda waa lagu soo shubtay.
16. Dawakh: Waa magaca ay Mucaaridku u bixyeen Wargeyska Afka Dawlada ku hadla ee DAWAN, Isaga oo uu bixiyay Jamaal Cali Xuseen.
17. Guddi Ha loo Saaro: Ereygan waxa la isticmaala marka la doonayo inaanay waxba shaqeynin, laakin shicibka loo tusayo.
18. Hebel Waa Loo Yeedhay: Waa marka Madaxtooyada looga yeedho Xildhibaanada ama Xisbiyada Mucaaridka ah si loo mustafeeyo.
19. Doogsin-RAAC: Waa dadka kolba Xisbi gala ee hadaba ka baxa ee mid kale u wareegaa ee bilaa mabda’a, iyada oo loo adeegsanayo Sida Xoolaha marka ay dooga raacaan.
Xigasho: Hayaannews
QJ/SDN:Hargeysa