Maxaad Ka Taqaan Buurnida/Naaxitaanka Amase Cayilka? Warbixin
Hargaysa 04. June 2017 (SDN/QJ):- Ma ogtahay marka laga hadlayo Cayilka amase Naaxitaanka in dad badan oo adduunka ku nool ay la xanuunsan yihiin halka ay gaajaba kaba fekerin.Magaalada New York ardayda dugsiyada hoose 21% waa kuwa buur-buuran.
Dadka Mareykanka ah Seddexdii Ruuxba Hal ayaa cayilan/Naaxsan.
Dadka joogtada qadada iyo quraacda ka cuna Resturantiyada ( maqaayadaha ) ayaa laba laab qatar ugu jira in ay cayilaan.
Dalka Mexico waa dalka dadkiisa adduunka ugu cayilka badan. 70% dadka Mexico waa buuran yihiin. marka loo eego Tvga Aljazeera wuxuu leeyahay 40 sano ka hor dadka reer Mexico dilaaga ugu weyn ee hayay wuxuu ahaa Nafaqo darro, iyo cudurada Infekshinka. laakiin hadda dilaagooda ugu weyn waa Buurni ( cayil )
Hurddo la,aanta waxey keeni kartaa kororka miisaanka waxaana in ka yar todobaadkii kugu kordhi kara 0.9 kg. ( hurdada xilligeeda ilaasho )
Darwalada gaadiidka ee buur-buuran waxey 78% u dhowdahay in ay shil ku geeriyoodaan. maxaa yeelay caloosha ayaa ka saaran Isteerinka iyo bowdiyaha oo xoog u buuran.
Dalka Muritaaniya hablaha xoog ayaa loo naaxiyaa si ay u buurtaan waayo dalkaasi waxaa laooga arkaa dumarka buuran qurux.
Dalka New Zealand ma siiyo Fiiso deganaansho dadka miisaankooda ka weyn yahay sida caadiga ah, waxaana jira kiisas badan oo dadka cayilan loogu diiday in la siiyo.
Waddamada qaniga ah dadkooda cayilan waxaa ku yar aqoonta, dalka waddamada Saboolka ah kuwooda cayilan ay aqoon leeyihiin.
Si looga hortago Cayil amase Naaxitaan, dalka faransiiska hal sano ka hor ayaa laga mamnuucay maqaayadaha loo yaqaan refills at fast food restaurants.
Diyaarintii Siciid Xagaa Afrax