Maxaad Ka Ogtahay Valentine’s Day? Maalinta Jaceylka?
Hargeysa:14-Feb-2014(SDN)14-kii bishan Februari waa maalinta loogu yeedho Valentine’s Day ama Maalinta Jaceylka aduunka.
Hadaba waxaan eegayaa taariikhda iyo asalka maalintan iyo Meesha ay ka Timi si aanu ugu iftiimino dad Badan oo Soomaali ah oo Maalintan aan wax badan ka Fahan sanayn.
Maalinta Valentine’s Day oo aduunka si aad ah looga xuso ayaa taariikhdeedu waxay tahay mid ku dhisan been iyo hal abuur aan sal ku lahayn sida loo dabaal dego maalintan.
Wadamada reer galbeedka ayaa maalintan lagu xusaa in dadka isjecel ay ubaxyo iyo shukulaato isweydaarsadaan. Waa maalin ay shirkaduhu si weyn uga faa’iidaan oo wax soo saarkooda si aad ah looga Iibsado.
Waqtigii hore ayay maalintan ahayd “St. Valentine” oo ah maalin ka mid ah ciidaha Kiristaanka oo lagu xusayo nin lagu magacaabo Valentinus.
Dhamaan waxyaabaha ku dhisan jecaylka iyo sheekooyinka la xidhiidha galgacalka ee loo Tiriyo maalintan ayaa ah kuwo la alifay dhowr qarni ka hor.
Kaniisada Romanka ayaa go’aansaday qarnigii la soo dhaafay in ay ka saarto liiska ciidahooda maalinta Valentine maadaama ay sheegeen aan waxbadan laga aqoon baadariga lagu maamuusayo maalintaan.
Sida ay ku timid in jaceylka lala xidhiidhiyo maalintan ayaa la sheegaa in ay ka dambeysay hadal la alifay oo ah in dowladii Romanka ay ku amartay ragga in aanay guursan si ciidanku aanay uga bixin iyo ninkan Valentine oo la sheego in uu ahaa baadari diiday amarkaas.
Si kastaba ha ahaatee, sheekadaas ayaa lagu sheegaa been abuur aan loo haynin wax caddayn ah, waxana ay taasi keentay in dad badan oo Kiristaan ahi iska Dhaafaan xuskeeda iyo Dagaaldeggeeda.
Waxaa la yaab ah maalinta nuucaas ah oo taariikhda nuucaas leh in ay maanta noqotay maalin dad badan ay isugu hambalyeeyaan.
Bal horta haddii loo hadlo si caadi ah yaa u sameeyay jaceylka maalin gooni ah, soo ma aha in maalin kasta lays jeclaado? oo aad maalin kasta u iibiso jaceylkaaga hadiyado iyo ubaxyo?
Marka laga soo tago midaas, ayaa waxaa ka sii cajiibsan in Muslimiinta ay u dabaal dagaan maalintan iyaga oo qaarkood ogyihiin qaar badana aysan ogeyn in maalintan aanay wax sal iyo raad ah ku lahayn dhaqankeena iyo diinteena.
Midda taas ka Daran ayaa ah in Dad badan oo Soomaali ahi si xawli ah u xusaan maalintan oo xaflado iyo munaasibado Kharashaad Badani ku baxo usamaystaan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com