Maxaad ka Ogtahay Cudurka Sonkorta iyo Hooyada Uurka leh
waxaynu isku dayi doonaa bal in aynu wax ka taataabano xanuunka mida xanuunada dishooday hooyooyinka somalida ah, waa xanuunka
Sonkorta oo dhib ku haya hooyada uurka leh.
Waa Maxay Saraynta Sonkorta Dhiigga?
Saraynta sonkorta dhiigga macnaheedu waa macaanka (sonkorta) oo ku badan dhiigga. Waxaa kale ood maqli karta erayga hyperglycemia. Haweenka qaba sonkorowga haddana Uurka yeesha, iyo haweenka ay sonkorta ku dhacdo intay uurka leeyihiin, oo la yidhaahdo Sonkorowga uurka waxay u baahan yihiin inay heerka sonkortooda xukumaan.
Haweenka uurka leh, heerka sonkorta dhiiggu waxay u baahan tahay in lagu hayo xadka qiyaasta oo yar una dhexeeysa 60 ilaa 120 cabirka sonkorta. Subaxii markaad toosto ugu horaysa, sonkorta dhiiggaaga waa inay ahaato 60-100. Marka aad cabirto sonkortaada cuntada ka hor waa inay qorta 60-105, iyo 2 saac ka dib cuntada, 60-120. Markasta oo sonkortaadu ka badan tahay 120, aad ayey ugu badan tahay Uurka.
Haddii ay wakhtiga Uurka sonkorta kor u kacdo, waxaa surtogal ah in ay dhib u keento hooyada iyo Ilmahaga.
Dhibaatooyinka Ilmaha:
Dhibaatooyin wadnaha, lafdhabarka iyo xubnaha kale oon si fiican u sameysmin bilaha hore ee Uurka hadday hooyadu qabtay saraynta sonkorta dhiigga markay Uurka yeelatay.
Sonkorta aad ugu badan hooyada waxay Ilmaha u keenta isago aad u weynaada oo keena:
Sambabada Ilmaha oo si ayar ah u kora
Khatar horay u dhalid
Khatar dhaawac inta dhalidu socoto
Ilmaha oo dhasha sonkortiisa oo aad u hoosaysa.
Khatar ilmaha uurka ku dhinta
Dhibaatooyinka hooyada:
Hadday hooyadu si xun u kontroshay sonkorowga Uurka ka hor oo dhibaato ka soo gaadhay indhaha, kaliyaha ama wadnaha, way ka sii xumaan karaan inta uurku socod.
Gariir iyo miyir doorsooma ayaa aad caan ugu ah sonkorowga xiliga uurka. Cadaadin badan ayaa kaliyaha ku dhacay tanina waxay keeni kartaa dhiig kar, barar iyo dhalid soo hormarta.
Haddii Ilmuhu wayn yahay oo ay keentay saraynta sonkorta dhiigu,qallin (uur-doox) baa laga yaaba in lagaga dhaliyo. Tani waxay hooyada sii gelinaysa khatarta hurgunka iyo natiijooyinka soo kabashda oodhibaato noqda.
Maxay Saraynta Sonkorta Dhiiggu u Dhcaan?
Inta uurku socdo, jidhkaagu wuxuu u baahan insulin badan(madada sonkorta burburisa), khaasatan saddexda bilood ee ugu dambaysa.Waxaa jira dhowr sababood oo keena saraynta sonkorta dhiigga. Sababaha ugu caansan inta uurka socdo waxaa ka mida:
Isbedelka hormoonaha inta uurku socodo
Adiga oo cuna cuno ka badan tii qorshahaga cunto
Cunida cunto sonkorta ku badan tahay ama karbohaydraytku ku badan yahay
Qaadasho la’aan daawo kugu filan (insulin)
Dhaafid, ka boodid ama ka daahida daawada (insulin)
Walaac
Hurgun/cudur
Helitaan la’aan jir-dhis ku filan
warwar iyo walbahaar la soo darsa hooyada xiliga uurka
caawimo la´aan hooyada xiliga ay uurka qaado.
Waxaa xataa dhici karta marar aadan u helayn sabata keenta saraynta sonkorta dhiigga.
Sidee Baan Dareemaya Marka Sonkorta Dhiiggu Aad U Sarayso?
Ma dareemaysid wax gooni ah marka sonkorta dhiigaagu aad u sarayso.Waa sababtaas waxay ay muhiim u tahay inaad Eegto sonkorta dhiigaaga sida ay dhakhtarkaaga iyo kalkaalisadaaduba kugu waaniyaan. Inta badan haweenka uurka lihi ee sonkorowga qaba waxay Eegaan sonkorta dhiigooda 4-8 goor maalin kasta, cuntada ka hor iyo 2 saac cuntada ka dib.
Haddii heerka sonkorta dhiigaagu ay ka sarayso 120 3 cisho ka badan oo isku xigta adiguna aad raacayso cuntadaadii hore ,waa inaad la xidhiidhaa dhakhtarkaaga ama kalkaalisadadii. Waxaa laga yaaba inaad u baahan tahay insulin inaaad bilowdo ama haddii aad insuliin qaadato, qiyaastaada waa in la bedelaa.
Maxaan Sameeya Markaan Qabo Saraynta Sonkorta Dhiigga?
Sida ugu wanaagsan ee lagu daaweeyo saraynta sonkorta dhiiggu waa adigoo isu dheeli tira cuntada, jimicsi iyo/ama insuliinka. Dib u raac dhowrkii cisho ee aad
sameysay qorshihii cuntada dhaqdhaqaaqa, daawada (insulin) iyo waraaqaha aad ku kaydisya sonkortaadu. U fiirso isbedel kasta oo kuu macnayn kara saraynta sonkorta.
Sidee Baan Uga Hortagi Karaa Saraynta Sonkorta Dhiigga?
Waxaad uga hortagi karta saraynta sonkorta dhiigga ado raaca qorshaha sonkorowga.
Raacida qorshahaaga cuntada
Qaadashada insuliinka sidii lagu faray
Baadhitaanka sonkortaadu iyo xafidaad jawaabaha
Raacida xarakaadkaaga iyo jimicsigaaga si joogto aha
La xidhiidhida dhakhtarkaaga haddaad aragto calaamada saraynta sonkorta dhiigga.
Raacida qorshaha xanuunkaaga haddaad xanuunsantahay.
Adigoo sameeya jimicsi 20 daqiiqo oo kaliya maalintii
Waligaa isku day in aad la saaxiibto xanuunkaaga macaanku wuu saxibtinimo fiicanyahay.
By Dr Abdifatah Ahmed Abdikaliil.
Augsburg Germany.
kaliil_10@hotmail.com