maxaa uga qabsoomi kara ahdaafta somaliland laga leeyahay hadi ay xukuumadu ka qayb gasho shirka uk ?
dabayaaqada bisha labad 23/feb/ ayaa dawlada ingiriisku sidaynu la socono ugu baaqday wadanka dhibaatadu ka taagnayd 20 sano o tagay walina aan rajo iyo waanwaantoona lahayn inay isugu yeedho o ay ku programiso ujeedooyin gaar ah o ay ka leedahay dawlada ingiriiska o ay weheliso dawlada talyaanigu
ujeedada ay ka leedahay dawlada ingiriisku ka shirkan waxay samayn wayn ku yeelan karta dalka dhawr iyo labatan sano ku so neefsanayay nabadgalyo iyo kala danbayn kuna dhaqmayay dimoqradiyada waxa la yidhahdo e reer galbeedku ku tix galiyo dawladaha
shirkasi wuxuu wiiqi kara ujeedada aynu u samaysanay dawlada gaarka ah e somaliland iyo jiritaankeedaba
inti la socotay maqaaladi hore een ka so qori jiray siyaasada arimaha dibada somaliland ayuunbuu salka ku haya kanina ama aw ka duulaya waxaynu hore ula soconay in wafti talyani ahi boqasho ugu yimid wadanka somaliland waftigas o aw madaxwayne ahmed silanyo si heer sare ah ugu qaabilay qasriga madaxtoyada halkaasna aw gorgortan saacado qatay ay ku qateen
waxaa inta xigtay in madaxwayne ahmed silanyo loga yeedhay wadanka ingiriiska halkaas o aw kula kulmay madax ka tirsan dawlada ingiriska mudo dheer o bill dhaaftayna ku qaatay wadanka dibadiisa gaar ahaan wadanka ingriiska weeye ee
waxaa intaas ku xigtay qaarna kaba si horeeyen in aw wasiirka arimaha dibada somaliland aw ka qayb galay tiroba dhawr jeer shirar lagu lafo gurayay aayaha wadanka konfur somalia e dagaalada iyo dhibaatooyinku ragadiyeen
hadaba in yar aynu halkaas iska xasuusino madaxdi rer somaliland e ka horaysay ahmed silanyo sida mudane dahir riyale iyo marxuun mahamed x ibrahim cigal tariikhda labada dawladood midnaba laguma sheegi karo in ay fadhiisteen miis kulminaya qadiyadaha somaliland iyo somaliya o shaki lagu galinayo jiritaanka somaliland
runtii waxaa ceeb inagu ah oo inoogu filan magac xumo in safiir ku xigeen aw madaxwaynaha dhan e qaranka somaliland u horumuudka ahi aw invite gareeyo ama aw ugu baaqo inuu ka so qayb galo shirka lagu lafo guri doono arimaha somalia lagu dhisi doono dib u so celintii somalia
hadii madax wayne la invite garaynayo waxa invite gareeya dhigiisa aya dalab u so qora ka so baxay xafiiska madaxwaynha ama raisal wasaraha o shanbadaysan saxeexiisina ku yaalo codsi inu ku yimaado si heer qaran ah sababto ah waxa aw manta yahay ahmed silanyo muraayadi laga daawan laha somaliland 20 sano in ka badan isaso maraynaysay dhamays tirtay shuruudihi dawladnimo dimoqradiyad axsaab qaran wadan jira ah o manta geeska afrika ka ah dimiond ama dahab ka dhex iftiimaya oo aan cidna ka helin garab iyo tageero caalami ah kaliged isku filaatay .
runti wa sharaf dhac waxaanu meel kaga dhacay dhaman shacbi waynaha somaliland meel kasta o ay jogan
siyasada arimaha dibada somaliland ma u horseedi karta burbur ku yimada xukumada silanyo hogaaminayo
dabcan aragtidayda o miisaman hadaan ka hadlo way u keeni karta siyaasad arimaha dibada o jilicda waxay sababi karta burbur hor leh o ku yimada xukuumada jileeca u dhalatay e silanyo mudadas sanadka iyo badhka ah siyasada arimaha dibadu aad ayay u dayacnayd waxaanay u fududahay in la furfuro o cadawga sahal ayay u tahay sababta o ah wasiirka arimaha dibada somaliland wa nin aan wax khibrad ah haba yaraate aan u lahayn mamulka arimaha dibada iyo isku xidhka wadamada dibada kama dhaadhicin karo qadiyada somaliland calamka ma iib gayn karo qadiyada somaliland
shirkaas aanay waxba inaga khusayn ka qayb galkiisu faido aw u leeyahay somaliland ma jirto lakin waxa muuqata in madaxwayne ahmed silanyo aw ka faidaysanyo fursadaha siyasadeed e uga banaan manta geeska africa gar ahaan wadanki la odhan jiray somalia
shacbi waynaha mid ayaan odhan laha in laga hor jeesto weeye manta qadiyadeeni iyo jiritaankeeni aya khal khal ku jira shirka taleex iyo xaalada ka aloosan buuhoodle wa mashquulin siyaasadaysan o shacabka iyo axsaabta mucaridka wa ucid iyo udube lagu mashquulinayo si fursadan aw ahmed uga so faidaysto
runti siyasad macangag ah o goblan ah ayuu ku shaqaynaya madaxwaynaha somalialnd
allaah ayaa mahad leh
yahye askar
yaxyem@hotmail.com