|

Maxaa Soomaalida Ku Badiyey Gaastarida Iyo Laab-Dillaaca (Laab Jeexa), Sidee Loola Tacaalaa?

Hargaysa 11. December 2016 (SDN/QJ):- Gaasta ama lab dillaaca aadka u darani waa xanuun badanaa guud ahaan dadka Somaalidu gaar ahaan reer Somaliland aad uga cawdaan, wuxuuna ku dhacaa caloosha, waxaana keena dhowr sabab oo kala ah:

spicy_foods-Daawooyinka qaarkood sida asprin-ka, antibiotics-ka qaar kamid ah iyo kuwa kalaba

– Aysiidha caloosha oo badata, taasoo ay badiso gaajada muddada dheer ah ama xanuun aysiidha caloosha ku badiyay.

– Cabitaanka sharaabka aalkoolka leh sida Khamriga iyo isbiirtada

– Cunnada kuwa dhanaan ama dufanka badan leh ama basbaaska leh ama khamiirka leh

– Sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada

Qofka xanuunkan qabaa wuxuu dareemaa calaamad ka mid ah calaamadahan oo kala ah:

– Calool xanuun (bog xanuun ama caloosha oo idil khaas ahaan qeybaha kore ee bidixda ama midigta ah)

– Dibbiro iyo daaco (naqas caloosha ku dhex wareega oo marmar isku taagta oo qofka u dareemo in qodxo caloosha dhexdeeda lagaha mudmudayo, qofku markuu daaco ama dhuuso wuu yar nafisayaa)

– Yalaalugo ama Matag (Cuntada oo markaad aragto yalaalugo ku qabato khaas ahaan haddii ay dufan badan leedahay)

– Kulayl iyo Kor olol (Khaas ahaan calaacalaha iyo cagaha iyo caloosha)

– Af qallayl ama carrabka oo dhabro yeesho (Waa calaamad ay badanaa ka cawdaan dadka gaaska ama lab dillaaca badani muddada hayay)

– Hurdo xumo (Hurdada oo qofka ka qasan, qarow iyo naxitaan hurdada dhexdeeda khaas ahaan hadduu qof kaa kiciyo)

– Wadna garaac (Qofka wuxuu u malaynayaa inuu wadna qabad hayo markuu gaaska aad ugu kacsan yahay, wadna garaac iyo wuxuu leeyahay cadaadis feedhaha ah maadaama hawada caloosha isku xidhay ay feedhaha cadaadin karto).

– Laab Dillaac (Laab jeex) (qofka oo cuntada uu cuno ama biyo kululi dib ugu soo kacaan laabta, oo afka ka dareemo qadhaadh iyo dhanaan isla socda)

– Warwareer (in miisaanka uu kaa lumayo markaad istaagtid ama jiifka aad ka soo fadhiisato, tani macnaheeda ma aha in dhiig yari ku hayso, gaasku wuu leeyahay calaamadahan)

Qofku wuu wada dareemi karaa calaamadahaas mid ama laba ka mid ah, qofka hadduu gaas qabo waa in uu dhakhtar la xidhiidhaa, si loo daaweeyo, lana ogaado gaaska uu qabaa nooca uu yahay.

Nabarka gaastarida meesha uu uur ku jirta kaga yaallo waxay ku xidhan tahay qaabka uu qofku calaamadaha kor ku xusan u dareemo, haddii gaajada ama dharagu u daran tahay, haddii xanuunka uu hal meel ku eg yahay ama caloosha ku baahsan yahay ama xanuunkani uu dhabarka meesha bogga ku aadan uu ka qabanayo qofka.

Warbixintaas waxaa wax ka odhan kara oo ogaan kara waa dhakhtar aqoon u leh cudurrada gaaska, ee haddii calaamadahaas aad isku aragtay la xidhiidh dhakhtar. Xanuunka gaaska, qaar badan oo ka mid ah waxaa keena bakteeriyo loo yaqaano “Helicopacter Pylori”, hadduu qofka jeermiskan laga helo waa in daawada gaaska loogu daraa daawo antibiotic si loo dilo bakteeriyada gaaska ku samaysa caloosha.

 

Talooyin Caafimaad Oo La Xidhiidha Gaasta Iyo Calool Ololka:

Cunto beddelid iyo daawooyin ayaa laga yaabaa in looga baahdo gaastarida.

Daawooyinkaaga sida lagu faray u qaado.

Cun oo keliya cabitaanno cad ama cuntooyin aan dhadhan lahayn sida kuwa la dubay ilaa aad ka bogsato, ka fogow cuntada suugada badan leh, waxyaabaha saliidda leh, canjeerada iyo wixii khamiir leh, dhandhanaanka, basbaaska, digirta iyo wixii qasacadaysan sida kalluunka daasaha ama guud ahaan cuntooyinka suugada badan leh iyo wixii la shiilay oo idil sida saanbuusaha.

Si tartiib-tartiib ah cuntaadii caadiga ahayd ugu soo noqo. cun xaddiyo yar markiiba.(gaajada iyo dharaga labadaba way kuu daran tahay, cunto yar cun oo marar badan, saddaxda waqti ee cuntada la cuno kuma anfacayso haddii aad xanuunkan qabto).

Xilliga aad jiifsanayso habeenkii ama duhurkii 3 illaa 4 saac ka hor cunto cun, iska ilaali in aad ku seexato calooshaada oo buuxda, taasi waa helis, haddii aad xanuunkan qabto, gaajada in aad ku seexato xitaa waad heli, haddii aad gaajo dareento marka aad jiifsanayso, waxaad cabtaa caano aan dhanaan ahayn oo qabow, caanuhu waxay yareeyaan aysiidha caloosha waa daawo fiican.

Gaasku markuu qofka helis ku noqdo oo nabarro u yeelo, qofka wuxuu matagi karaa dhiig ama uu dhigi karaa saxaro dhiig ah, tani waa helis, inkastoo dadka qaar Soomaalida ahi ay aaminsan yihiin markuu dhiig matago inuu caafimaadayo, tani ma aha mid sax ah, waxaa dhici kara in qofka dhiig bax u dhinto hadduu xidid caloosha ahi ku furto oo nabarka qodo.

Fadlan cisbitaal si degdeg ah u tag, haddii aad isku aragto dhiig saxarada la socda (waxaadna ku ogaan kartaa saxaradaada oo madow noqota, dhiig casaan ah ma arki doontid)

Maxaa Ku Badiyay Cudurkan Soomaalida?

Waa su’aal is weydiin mudan oo u baahan in baadhitaan lagu sameeyo, laakiin dhakhaatiirtu waxay qiyaasaan badanaa waxyaabaha halista ku ah ama keeni kara xanuunkan in aan u badan nahay.

Tusaale ahaan, cuntada aan cunno, qaabka aan u cunno, daawooyinka sida aan u isticmaalno, stresska iyo welwelka iyo nolol xumada haysata dadkeena badankood iyo wayaabo kale oo aan weli la ogaan in ay jiri karto way dhici kartaa.

Cilmi-baadhayaasha xiiseeya daraasaynta cudurkan in ay noo faahfaahiyaan waxyaabaha ay arkeen haddii ay jiraan waan jeclaan lahayn.

Way jiraan qoraallo la daabacay oo ku saabsan tiro ahaan inta uu saameeyo cudurkan ama u dhimata oo badanaa qiyaas lagu dhisay, laakiin mid tafatiran oo wax lagu dhisi karo ma aha, tusaale ahaan waxay sheegtay in 100,000-kii kun oo qof in 5 qof ay u dhintaan cudurka gaaska!!!.

Intii xanuunkan qabta oo aan filayo in ay dad badan yihiin alle haka ka caafiyo.

Comments are closed