Maxaa Nabadda u diiday MUQDISHO ? W/Q: Maxamed Siciid Asaxaaf
Magaalada Muqdisho waa magaalo taariikhi ah, nasiibna u yeelatay inay noqoto caasimadda dalkeyga hooyo ee Soomaaliya. Waa magaalo taariikhdeeda aan lagu soo koobi karin qoraalkaan balse ay xusid mudan tahay in haddii Muqdisho ay nabad noqoto, ay sahlanaan doonto in nabad waarta la wada gaarsiiyo dhammaan gobolada dalka.
Mudo ku dhow 30 sano ayay dadka Soomaaliyeed ku jiraan dagaal iyo khilaaf siyaasadeed oo ay hormuud u yihiin shaqsiyaad ama kooxo dano gaar ah leh. Marka dib loo raaco taariikhda dadka Soomaaliyeed ayaa ah dad uu Qabiilku qeyb weyn uga jiro noloshooda, laakiinse inta badan Qabiilka u addeegsada si ay Qabyaaladi ku jirto.
Waxaan aaminsanahay in caasimadda Muqdisho ay tahay magaalo u dhaxeysa dadka Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan. Waxaana waliba intaas u dheer inay tahay magaalo saldhig u ah wadajirka iyo astaanta qaran ee dalka Soomaaliya.
Haddaba “Maxaa Nabadda u diiday Muqdisho?” Waa su’aal muhiim ah oo ay is weydiin karaan in badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed. Waxaa jirta in guud ahaan marka laga hadlo xagga amniga dalka oo dhan, in magaalada Muqdisho ay tahay goobta ugu liidata xagga amniga.
Sida aan ognahay waxaa jira arrima dhowr ah oo la xiriira amni-darada ka jirta caasimadda Muqdisho. Waxaan anigu u arkaa 3 arrin inay saldhig u yihiin amni-darada Muqdisho.
1- Xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxeeya shacabka iyo mas’uuliyiinta dowladda oo aad u hooseeya.
2- Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo aan heysan mushaar joogta ah oo ku filan iyo hoggaanka sare ee ciidanka Soomaaliyeed oo aan laheyn awood-buuxda oo ay ku fullin karaan howlaha qaran ee horyaala.
3- Siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ku aadan dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa ah mid mar waliba ka fog xal u helista dhibaatooyinka heysta dhallinyarada Soomaaliyeed. Xusuusnoow in tira ka badan 50% bulshada Soomaaliyeed ay yihiin dhallinyaro sida lagu sheegay warbixino dhowr ah oo ay Qaramada Midoobay ka qortay dadka iyo dalka Soomaaliya. Waxaana wada ognahay in dhallinyaradu ay qeyb weyn ka yihiin kuwa loo isticmaalo inay is qarxiyaan ama ay qeyb ka qaataan dagaalada ka dhaca gudaha dalka.
Waxaan fursad u helaa inaan la kulmo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida iyo shaqsiyaad caan ah oo sharaf ku dhex leh bulshada oo aan mar waliba kala hadlo arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
Waxaan dhageystaa fikradahooda kala duwan ee ku aadan xal u helista amni-darada ka jirta dalka Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho oo saldhig u ah wadajirka umadda Soomaaliyeed. Waxa ayna intooda ugu badan ku jawaabaan, jawaabo aad iskugu dhaw oo tallooyin u badan.
Habeen ayaan waxaan kaligay is weydiiyay “Yaa badan tira ahaan dadka ku nool Muqdisho iyo qoryaha yaala?”Jawaab sax ah uma hayo balse waxaa su’aashaas igu dhaliyay inaan aad uga daalay – qarax baa dhacay, dagaal ayaa socda iyo khilaaf siyaasadeed oo dana gaar ah ku saleysan ayaa jira. Run ahaantii waan dhibsadaa markaan maqlo arrimaha kor ku xusan.
Sanadihii ugu danbeeyay waxaa soo kordhayay qaraxyada lala beegsado goobaha ganacsiga, Hotel-ada, iyo waliba gawaarida ay leeyihiin ganacsatada iyo mas’uuliyiinta dowladda. Waxaan maqalnaa tirada dhimashada, dhaawaca ama kooxda sheegata mas’uuliyadda falka qaraxaas.
Waxaa intaas raaca in saacado kadib ay mas’uuliyiinta dowladda, gaar ahaan hey’addaha ku shaqada leh amniga inay cambaareeyaan qaraxa dhacay ayna sidoo kale balan qaadaan in tillaabo sharci ah lala tiigsan doono kuwii fuliyay qaraxa. Ma dhici kartaa in mas’uuliyiintu ay sharciga hor keenaan kuwa ka danbeeyay qaraxa? Waa su’aal in badan bulshadu is weydiiso.
Haddaba xal u helista amni-darada iyo dib u soo cellinta nabadda Muqdisha waxaan u arkaa 3-da qodob ee hoos ku xusan:
1- Waa in la dhisaa Saldhigyada Ciidamada Police-ka ee degmooyinka gobolka Banaadir. Waxa ay tani sahli doontaa in xiriir iyo wadashaqeyn toos ah lala yeesho dadweynaha ku nool degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir. Waxaa kaloo la heli doonaa warbixino ku saabsan kuwa geysta danbiyada ama fuliya qaraxyada.
2- Waa in xiriir toos ah lala yeesho 2 qeyb oo muhiim ah oo ka tirsan bulshada, A- Ururada dhallinyarada ama ardayda Jaamacadaha, -B — Ururada Haweenka.
Sababtoo ah waa 2da qeyb ee sida weyn ay u saameyso dhibaatada ka jirta dalka. Waana 2 qeyb oo kaalin muhiim ah ka qaadan kara xal u helista dhibaatooyinka jira. Waana in loo sameeyo barnaamijyo wacyi-gallin ah iyo kuwa ku saabsan horumarka iyo is dhex-galka bulshada oo dhan.
3- Waa in dowladdu ay shaqo u abuurtaa ciidan gaar ah oo ka mid ah waaxaha sirdoonka (dhar cad) oo ku dhex nool bulshada si ay u soo gudbiyaan warbixino ku saabsan khatarta immaan karta. Waxa ay tani sahleysaa in ciidanka dowladdu ay howl-gallo ciidan oo joogta ah ay ka fuliyaan goobaha ama degmooyinka laga hello warbixino sugan oo keeni kara amni-daro.
Waxaan aaminsanahay in amniga magaalada Muqdisho uu fure u yahay amniga guud ee dalka Soomaaliya. Si loo hello amni buuxa waa in aan dhammaanteen ka qeyb qaadano xal u helista dhibaatooyinka joogta ah ee naga wada hortaagan in dhulkeena hooyo uu noqdo nabad.
Ma aaminsan tahay in sugidda amniga dadka Soomaaliyeed laga hormariyo dhammaan howlaha kale ee horyaala dowladda? Adiga ahaan oo muwaadin Soomaaliyeed ah sidee ayaad u xallin laheyd dhibaatada amni-darada ee dalka Soomaaliya?
W/Q: Mohamed Said Asahaaf – Wariye ka tirsan Universal TV.