Maxaa Loo joojiyey Bandhigii Fanaanada Nasteexo Indho ee Hargaysa? Mase Loo Fasiri Karaa Takoor Keli Ku ah Hobolad Nasteexo Indho? DAAWO
Hargaysa 15.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo Kaashanaysa Laamaha Amaanka ayaa Joojiyey bandhig fanneed ay waday Fannaanada la yidhaa Nasteexo Indho.
Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa ka hadlay sababta ay Xukuumaddu u joojisay Bandhig-faneedkaa ay Fannaanadda Nasteexa-indho iyo Fannaaniinta Xiddigaha Geeska ee Fadhigoodu yahay Hargeysa ku wada qaban lahaayeen Crawn Huteel habeen Hore, waxaanu Wasiirku ku eedeeyey Dhaqan-xumo sida uu hadalka u dhigay.
Ciidammada Ammaanka, ayay Xukuumaddu dul-dhigtay Huteelka Shawgaas ama Bandhig-faneedkaas lagu qaban lahaa habeen horey, waxaanu Wasiirku ku dooday inay Fannaanadda Nasteexo waddamada Qurmaha ku qabatay Bandhig-faneedyo dhaqan-xumo ah oo aan Diinta iyo Dhaqanka waafaqsanayn sida uu ku dooday Wasiir Khaliil.
Arrintan oo u muuqata mid ay Somaliland ku ceebaysan tahay maaddaama oo hore Fannaan iyo Fannaaniin loogu diiday inay Bandhig-faneedyo ku qabtaan Hargeysa jirin ee ay tahay Fannaanaddii ugu horreysay ee Xukuumadda Somaliland ay sidan oo kale isaga hortaagtay Shawga ay Hargeysa ku qaban lahayd isla Habeenkii la qaban lahaa lagu bilaabay Nasteexa-Indho, waa mid u muuqan karta takoor iyo wax laga xumaado.