MAXAA LOO BAAHANYAHAY SI LOO DHISO BANGIGA DHEXE IYO BANGIYADA ANACSIGA SOMALILAND?
Si loo dhiso qaybta bangiyada ee dalka Somaliland,waxa loo baahan yahay in la hirgaliyo halbeeg ku qotoma shantan tiir ee hoos ku qoran:
1. Dajinta siyaasadaha bangiyada.
2. Dhisida xeerarka iyo shuruucda bangiyada.
3. Dhisida kaabayaasha kale ee bangiyada iyo haayadaha maaliyada ka qanacsada.
4. Dhisida nidaam xisaabeedka iyo nidaamka hantidhawrka
1. DAJINTA SIYAASADAHA BANGIGA DHEXE IYO BANGIYADA QANACSIGA
Waxa lagama maarmaan ah in la dajiyo siyaasadahan si loo suuragaliyo jawi siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo saamixi kara samaysanka bangiyada. Waxa ka mid ah siyaasadahan
• Siyaasada deganaanshaha dhaqaale (Micro-stability).
• Daganaanshaha siyaasada guud (Political environment).
• Siyaasada sharciga iyo garsoorka (Legal and judicial environment).
• Siyaasada hufnaanta iyo xog muujinta (Transparency and disclosure).
Waxa lagama maar maan ah in siyaasadahani ay waafaqsanyihiin siyaasadaha guud ee qaranka u dajisan. Siyaasada Somaliland sida aynu la wada socono waa mid dagan,lana saadaalin karo mustaqbalka dhow. Siyaasada dhinaca sharciga iyo garsoorka Somaliland iyana waa mid in ay toosnaato ka haysta taageero halka ugu saraysa talada dalka,balse doonitaanka hogaanka sare ee dalka hoos looma dhaadhicin loomana turjumin gaar ahaan dhinaca qanacsiga siiba dhinaca ka qanacsiga bangiyada. Dhinaca kale siyaasada hufnaanta iyo xog muujintu waxa ay u baahan tahay dhisid gaar ah,waayo iyada la’aanteed ma sugmayso kalsooni ku qabka bangiga dhexe iyo bangiyada gaarka ahba,waxana ay ku sugmi kartaa iyadoo la dabaqo lana hirgaliyo nidaam xisaabeedka caalamiga ah (international accounting standards) iyo nidaam hantidhawreedka caalamiga ah (International auditing standards).
2. DHISIDA XEERARKA IYO SHURUUCDA BANGIYADA
Dhisida nidaam bangiyeed waaraa waxa uu u baahan yahay jiritaanka xeerar iyo shuruuc muujinaya hawlaha bangiyada iyo suuqoodaba.
Shuruucdani waxa ay muhim u yihiin dhaqan galka ka qanacsiga bangiyada,waayo hadii aanu jirin xeer qabanaya qofka dayn qaata ah hadii uu dayn bixi waayo mudadii bangigu kula heshiiyay,waxa muhim ah in uu jiro sharcigii kala saarayay dayn qaataha iyo bangiga.
Dhinaca kale,hadii aanay jirin maxkamad qanacsi (Commercial court),oo aqoon buuxda u leh
shuruucda bangiyada iyo qanacsiga,waxa adkaanaysa in la kala si sharci ah look ala saaro dayn qaatah iyo bangiga.
Hadaba si loo helo suuqa bangiyada oo si saxa u shaqeeya waxa loo baahan yahay dajinta xeerarka hoos ku qoran:
1. Xeerka bangiga dhexe; xeerkani imika wuxuu horyaalaa golaha guurtida,waxana haboon in muhiimadiisa ay siiyaan xildhibaanadu,horena ay u ansixiyaan:
2. Xeerka ka qanacsiga bangiyada.
3. Sharciga hanti xifdiga
4. Sharciga shirkadaha xawaaladaha.
5. Sharciga lacagta.
Xeerarka kale ee aanay la’aantood shaqayn Karin bangiyadu waxa ka mid ah:
1. Xeerka heshiisyada.si loo meel mariya waxyaalaha bangiyada iyo macaamiishoodu ku heshiiyaan.
2. Xeerka hantida iyo awooda damaanad u bixinta hantidan iyo la wareegidoodaba.
3. Xeerka mufalisida amba kicida
Hadaba marka aynu eegno nusqaamaha ka jira maxkamadaheena waxa lagama maarmaan ah in la dhiso maxkamada cusub oo qanacsiga iyo maaliyada ka garnaqda,waayo kuwan imika jira way adag tahay sidii bulshada caalamku kalsooni buuxda uugu qabi lahaayeen iyo maxkamadaha jira oo aan khibrad u lahayn hawlaha qanacsiga bangiyada.
3. DHISIDA NIDAAM XISAABAADKA IYO HANTIDHAWRKA
Dajinta nidaam xisaabeed waafajaqsan heerarka caalamiga ayaa lagama maarmaan u aha hanaqaadka nidaamka bangiyada casriga ah ee la rabo in ay ka hirgalaan jamuuriyada Somaliland. Marka ay uugu yar tahay waa in xeer ahaan ay diyaariyaan bangiyada qanacsigu warbixin maaliyadeed mudaysan oo waafaqsan nidaam xisaabeedka caalamiga ah. Hadaba xeerka shirkadaha qanacsiga (Company law) oo ansaxsan waxa uu farayaa in shirkad waliba diyaariso warbixin maaliyadeed sanad kasta (annual financial statements),balse lama dhaqan galin,iyadoo xeerku awooda fulintiisa uu siiyay xeer ilaalinta guud (Company registrar),oo ay ahayd in ay xeerka faafiso iyo in ay dhaqan galisaba.
SHARCIYADA MUFLISKA/KICIDA
Waxa laga maarmaan ah in helo sharciyadan hoos ku qoran oo tilmaamaya wax la yeelayo marka uu kaco bangi qanacsi ahi oo dadkana lacagi u taalo.
1. Sharciga kicida oo xalinaya bangiyada mufalisa iyadoo la kaantaroolayo,maamulka,hantida kaashka ah,iyo dib u raasamaalaynta bangiyada.
2. Sharciga caymiska dhigaalka si loo daboolo dhigaalada yar yar.
4. DHISIDA KAABAYAASHA KALE EE BANGIYADA MUHIMKA U AH
KORMEERKA BANGIYADA KHAASKA LOO LEEYAHAY
Qaybta kormeerka bangiyada ee bangiga dhexe waa in la dhisaa,si ay u gudato shaqooyinka ay ka mid yihiin ruqsad bixinta, baadhitaanka bangiyada ruqsada la siiyay iyo sharcinimada shaqooyinkoodaba. Shaqadan kormeerku waxa kaloo ka mid ah:
1. Ruqsad siinta bangiyada cusub.
2. Uogalaanshaha bangiyada qanacsiga ka qanacsiga hawlaha cusub ee ay ikhtiraacaan.
3. Uogalaanshaha bangiyada qanacsiga in ay isku biiri karaan.
4. ku Hagida bangiyada wax sax ah ee laga qanacsan karo iyo wixii aan laga qanacsan Karin.
5. Qiimaynta xaalada dhaqaale iyo hab socod ee bangiyada gaarka loo leeyahay.
By: Mohammed Dahir Ahmed (Hiilliye)
Certified Chartered Accountant (ACCA)
Director of Windsor associates and chartered accountants
Financial consultants and auditors.
M_ddahir1@yahoo.co.uk